16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Tartan lagu maamuusayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ka bilowday Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 03, 2006(HOL): Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa ka furamay Garoonka kubada cagta ee Lama galaay.Munaasabada Furitaanka Cayaarta oo lagu qabtay Gudaha Goroonka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay  qeybaha kala duwan ee xiriirka Kubada Cagta ee Gobalka, iyo waliba Mas’uuliyiin ka socda Maxkamada islaamiga Goboalka Hiiraan, iyadoo sidoo kalana ay Goob joog ka ahaayeen Munaasabada furitaanka 12ka kooxeed ka qeyb-qaadaneysa Tartanka lagu maamuusayo  bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Gudoomiyaha xiiriirka  Kubada Cagta ee Gobolka Hiiraan  Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Tartankan loo qabanayo Bashi Barakeysan ee Ramadaan looga baahan yahay dhamaanba kooxaha ka qeyb-qaadanaya in ay dhowraan sharciyada  Kubbada Cagta u degsan si markaas looga fogaado in hab sami u socodka cayaarta uu hakad galo.

 

Sidoo kale Cumar Baadiyow waxaa uu ku dheeraaday muhiimadda Ciyaaraha noocan oo kale ah u leeyihiin is dhax-galka bulshada, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Nabadda oo uu sheegay in waxa lagu gaari karo ay tahay in marka hore Dhalinyarada uu dhax maro is faham guud,  dhanka kale Cumar Badiyow  waxaa uu u mahad celiyay  Guud ahaan dhinacyadii ka qeyb-qaatay qabsoomida Tartanka.

 

Gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay  Baadiyow  Jaaliyadda Hiiraan ee Fadhigeedu yahay Dalaka Mareykanka, gaar ahaan gobolka California oo sida uu sheegay gacan weyn ka geystay sidii loo qaban lahaa Tartanka lagu maamuusayo Bisah Ramadaan,

 

Tartankan Kubadda cagta ayaa marka dhan laga eego waxaa uu ku soo beegmay xili Gudaha Magaalada dhamaanba ay xiran yihiin koobaha laga daawado Cayaaraha taasoo sababtay in qeybo-badan oo bulshada ka tirsan ay soo dhaweeyaan Furitaanka Tartanka oo si weyn dadku ugu soo daawasho Tago.

 

Kooxaha ka qeyb-qaadanaya Tartanka oo ka kooban 12 kooxooda ayaa dhamaantood waxaa ay yihiin kooxaha heerka 1aad ee Gobalka, 8 ka mid ah kooxaha ayaa waxaa ay ka kala socdaan 4ta xaafadood ee magaaladu ka kooban tahay halka 4ta kalana laga soo xulay qeybaha kale ee magaalada maadaama ay jiraan kooxo badan oo kubada cagta ah.

 

Si kastaba arrintu  ha ahaatee, ciyaaraha gaar ahaan Kubada cagta ayaa inta badan waxaa ay qeyb-lixaad leh ka qaataan isku xirka dhalinyaradda iyo soo celinta nabadii luntay ee Dalka, walow haddana marka aad dhan ka eegto  Gudaha Dalka Soomaaliya tartamada noocan oo kale ah lagu waddo dadaal ay sameeyaan Bulshada iyo Bahada Isboortiga maadaama uusan jirin nidaamkii guud ee arintaas gacanta ka geysan lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).