16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Haweeney Soomaali ah oo lagu xukumay xabsi iyo lacag ganaax ah kadib markii ay gabadheeda gudatay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 03, 2006(HOL): Haweeney Soomaali ah  oo degan dalka Sweden ayaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah iyo in ay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 75 kun oo Doollarka Ameerikaanka ah kadib markii ay  gabadheeda u  gudday si xanuun badan.

 

Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin, isla markaana 42 sano jir ah waxay ku eedeysan tahay in ay ku xadgudubtay sharciga dowladda Sweden uga yaala Gudniinka Hablaha iyo weliba ku tumashada xuquuqda caruurta.

 

Haweeneydan ayay maxkamaddu sheegtay in ay gabadheeda u qaaday dalka Soomaaliya sanadkii 2001, halkaasi oo ay ku soo gudday, waxayna gabadha markaasi jirtay 11 sano, halka ay haatan 16 sano jir tahay, iyadoo kiiskan uu banaanka soo dhigay qof ka shaqeynayay Dugsi ay wax ka baraneysay gabdha Hooyadeed loo heysto in ay soo gudday.

 

Waa yaab iyo arrin aaney la qabsan karin Soomaalida Qurbaha ku dhaqan, gaar ahaan kuwa ku nool Wadamada uu sharcigaas ka yaalo in dembi ahaan loogu qabsado fulinta waajibaadkii saarnaa ee ahaa in ay Caruurtooda Xaaraanta ka gooyaan, iyagoo raacaya sida Sunnada ah ee ay Culumada Diinta Islaamka isku raaceen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan markii la soo saaray sharciga ay dowladda Sweden uga hortegeyso gudniinka Hablaha waa kiiskii labaad ee noociisa ah oo  dalka Sweden ka dhaca sanadkan, waxaana horay xukun afar sano oo xabsi ah loogu xukumay nin isna gabadhiisa guday oo markaasina uu dhaawacyo u geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).