Talaado, October 03, 2006(HOL): Waxaa dib u howlgashay oo xayiraadii laga qaaday Laanta Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Kismaayo oo ay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka albaabada u laabeen iyagoo ku eedeeyay in ay ka shaqeyneyso arrimo dhibaato abuur iyo iska horkeen ah.
Dib u howlgelinta Laanta Idaacadda ee Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ay wada hadleen mas’uuliyiinta Idaacadda Horn Afrik iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dabcan isla gaaray qodobo ay ku wada shaqeyn karaan.
Qodobada lagu heshiiyay ee Idaacadda dib loogu howlgeliyay waxaaa ka mid ah in Idaacadda dadka wacyigeliso, in aan heesaha dabacsan ee Jaceylka ah la sii deyn karin, in aan la soo xigan karin Wakaaladaha Wararka iyo qodobo kale.
Maxkamadaha Islaamka ayaa markii ay qasadeen magaalada Kismaayo waxay halkaasi ku soo rogeen amarro aaney dadka magaaladaas horay uga baran maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee uu Barre Hiiraale gar-wadeenka ka ahaa iyo midkii ka horeeyay ee Jen. Moorgan madaxda ka ahaa, waxayna isla markii ay qabsadeen ay magaalada ka mamnuuceen in Qaad lagu iibiyo, kadibna waxaa ku soo xigay amarka lagu xiray Idaacadda.
Waa Idaacadda labaad ee ay maxkamadaha Islaamka alaababa u laabaan, waxaana tan ka horeysay Idaacad ku taalay magaalada Jowhar oo howsheedii la joojiyay kadib markii ay u hoggaansami weyday amar ka soo baxay maxkamdaha oo ahaa in aaney heesaha Jaceylka ah sii deynin.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Maxkmadda Islaamka ee ka talisa magaaladaas ay gubtay Jawaano Qaad ah oo ay ganacsato la yimaadeen, iyadoo amarka lagu gubay loo cuskaday kadib markii ay ganacsatadaas u hoggaansami waayeen amarkii ka soo baxay maxkamadda ee sheegayay in aan Kismaaayo lagu iibin karin Qaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia