Talaado, October 03, 2006(HOL): Golaha maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ka cabanayaan dad aan maxkamadaha ka tirsaneyn oo sameeya falal ay ceebo ugu yeelayaan Maxkamadaha Islaamka.
Shiikh Carafaat oo sheegtay in uu ka tirsan yahay Maxkamadaha Islaamka, isla markaana u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan kooxahaas oo uu carrabka ku dhuftay in ay isu soo ekeysiiyeen Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay dadka ku sameeyaan wax aaney Maxkamadaha ku xukumin amaba aysan amar ahaan u soo saarin.
Shiikh Carafaat waxaa uu sheegay in ay deegaano ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka dilaaceen dhalinyaro qaatay labiska Maxkamadaha oo dadka garbaash iyo madax xiirid isugu dara, “kiiskii hadda ugu dambeeyay waxaa uu ku dhacay nin oday ah oo ay timaha ka xiireen iyo gabdho guryahooda hor fadhiyay oo garbaash la dhaceen”ayuu yiri Shiikh Carafaat oo sheegay in ay dhalinyaradaas qaarkood soo qabteen, kuwo kalena ay ku raad-joogaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee falalka ay ku kacayaan dhalinyaradaas ayaa waxay yimaadeen kadib markii qaar ka mid ah maleeshiyooyinka maxkamadaha Islaamka ay bilaabeen in ay dadka ku karbaashaan waddooyinka kadib marka ay sameeyaan falal aysan jecleysan, matalan haddii darawal gaadiid kaxeynaya uu maro seed uusan lahayn wuxuu mararka qaarkood muteystaa in la garbaasho, sidoo kale waxaa iyana timo xiirid muta haddii la arko dhalinyaro u soo jartay timaha si aaney maxkamaduhu jecleysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia