Axad, October 29, 2006(HOL): Cabaas Ibraahim Gurey Taliyihii hore Ammaanka ee maamulkii Dooxada Jubba iyo Ciidamdiisii Beerxaani oo muddo ku sugnaa deegaanka galbeedka magaalada Kismaayo ayaa iskood isugu dhiibay Ciidamada Midowga Maxkamadaha ee gobolda Jubbooyinka.
Sida uu sheegay taliyaha ciidamada Amaanka ee maxkamadaha Islaamka u qaabilsan gobollada Jubbooyinka C/llaahi Axmed Warsame Ejka Ciidamada Iyo taliyahooda ayaa Isdhiibistooda waxaa ka shaqeyey waxgarad ka soo jeeda heybtooda. Cabaas iyo Maleeyshiyada uu horkacayay ayaa isu dhiibistooda Maxkamadaha Islaamka waxaa ay ku sheegeen sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen maxaakiimta Islaamka ee la wareegay Gobollada Jubbooyinka .
Ciidamadani ayaa markii ay yimaadeen magaalada Kismaayo waxaa lagu soo dhoweeeyey gaadiidka dagaalka ee maxkamadaha Islaamiga ah oo ay saarnaayeen, waxayna ciidamadu ahaayeen boqol nin sida uu caddeeyey taliyaha gobolka ee maxkamadaha, waxayna sitaan dhamaantood hubka fudfud .Boqolaal dadweyne ah oo reer Kismaayo ah ayaa isugu soo baxay daawashada Cabaas iyo ciidamada uu wato kuwasoo muddo ku sugnaa dhulka keynta ah ee Jubbada Hoose ee Beerxaani.
Cabaas Ibraahim Gurey oo aan isku dayay in aan wareysi la yeeeshay ayaa ii xaqiijiyey inuusan u haysanin wax ruqsad ah in uu la hadlo saxaafadda, balse uu warbixin dhiibi doono marka loo ogolaado. Inkastoo ciidamadii la socday Cabaas uu ka muuqday daal faro badan ayaa misna waxaa Cabaas wajigiisa ka muuqatay farxad faro badan, asagoo dhoolo cadeynayana waxuu salaamayey dadweynihii daawanayey.
Muddo ayey ku sugnaayeen ciidamadani deegaanka Beerxaani iydoo inta badana ay midowga maxkamaduhu ku eedeynayeen in ay ka geysanayeen deegaanadii ay joogeen iyo magaalada Kismaayaba falal ka dhan ah ammaanka, iyadoo sida la sheegayna ay geysteen falkii weerar ee ugu dambeeyey ee ka dhacay aagga buurta dheer ee magaalada Kismaayo, kaaso ay ku dhinteen labo Ruux, iydoo shan kalena ay ku dhaawcmeen shaqaaliihii shirkadda Dahabshiil ee Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyntiina, Ciidamo kale oo ku sugnaa nawaaxiga deegaanka Beer Xaani ayay wararku sheegayaan in la filayo in ay isu soo dhibaan saacadaha soo socda, waxaana ciidankaas lagu qiyaasay in ay gaarayaan ku dhawaad 300 oo nin oo halkaasi ku heysta gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.
Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia