13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Roobab khasaaro geystay oo ka da’ay Tuulooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 28, 2006(HOL): Dhowaan roobabkii ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa khasaaro u geeystay dalaggii beeraha, iyadoo sidoo kale roobabkaasi ay dad guryahooda uga qaxeen.

 

Sida uu ku soo waramay Wariye Jakuula oo socdaal ku soo maray degmada Qoryooleey ayaa roobabkii dhawaan ka da’ay halkaasi daadadkii ka dhashay waxa ay qaadeen ilaa 300 oo guri, iyadoo in ka badan 1500 qoys ay ku barakeceen, iyadoo roobabkaasi hadii ay sii socon lahaayeen ay saameyn lahaayeen degmada oo dhan.

 

Ilaa 4 Tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooleey ayaa lagu soo waramayaa in ay go’doon yihiin, kadib markii roobabkii da’ay ay si weyn u biyo dhigeen wadooyinka.

 

Dadka deegaanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan fatahaadaha ka imaanaya roobka xiligan ka da’aya Gobolka Shabaeelaha Hoose.

Tuulooyinka ay sida weyn biyaha u galeen ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xalane iyo Hodon, iyadoo ay soconayaan dadaallo la doonayao in biyaha lagu dhimo, inkastoo wali cirka uu ka muuqdo daruurihii roobka sheegayay.

 

Hay’adda ICRC  oo iyadu mar kasta oo fatahaad timaado dadka Shabeelaha Hoose ku caawin jirtay qalabkii ay biyaha isaga moosi lahaayeen ayaa haatan waxay ku howlan tahay sidii ay mar kale dadkaas u caawin lahayd, iyadoo koox gurmad ahna halkaas u dirtay.

 

Iyadoo ay dadka ku nool deegaanada Fatahaaddu ka dhacday ay ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka in ay gurmad la soo gaaraan ayaa hadana waxaanan jirin Hay’ad kale oo ilaa iyo haatan wax gurmad ah u sameysay dadkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).