16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shiikh Shariif oo Maamullada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Jihaadka lala gelayo Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 28, 2006(HOL): Guddoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay Fagaaraha Tareebuunka kula hadlayay dadweyne isugu soo baxay oo isu diiwaangelinayay Jihaad ay la galaan Ciidamada Itoobiya ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Somaliland in ay Jihaadka dhinacooda ka galaan.

 

Shiikh Shariif waxaa uu baaqiisaas jeediyay iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Maamulladaas ay ku eedeeyeen Maxkamadaha Islaamka in ay doonayaan in ay faragelin ku sameeyaan arrimahooda gudaha, tiiyoo ay caddeeyeen in aysan dooneyn in ay cilaaqaad la yeeshaan maxkamadaha Islaamka.

 

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqeynaa in ay Itoobiyaanka Jihaad la galaan, isagoo dadka ku nool deegaanada ay joogaan ciidamada Itoobiyaankana ugu baaqay in ay ka fogaadaan deegaanadaas, si aysan waxyeello u soo gaarin”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Shiikh Shariif waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay Jihaadka ka qeybqaataan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Saraakiishooda, sidoo kalena waxaa uu baaq kaas la mid ah u diray Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay hubkooda geeyaan goobaha Jihaadka.

 

Jihaadka lala geli doono ayuu sheegay Shiikh Shariif in uusan sahlaneyn, “Dadku waa in aysan yareysan dagaalka la gelayo waxaad la dagaalami doontaan ciidamo cadaw ah oo ku dagaalami doona diyaarado iyo hub casri ah, marka waa in lagu talagalaa dagaal daba dheer oo farsamadiisana ay ka gedisan tahay kuwii hore”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa inta laga warqabo xiriir wanaagsan la leh Dowladda Itoobiya, waxaana dhowr jeer oo hore magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya  booqday wufuud ka kala socotay labadaas Maamul. Sidaas darteed lama oga sida ay isu qabanayaan baaqa Jihaad-doonka ah ee uu Shiikh Shariif u jeediyay Maamulladaas iyo xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadda Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).