16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Banaanbax Jihaad-doon ah oo Maanta Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, October 27, 2006(HOL): Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ka dhacay fagaaraha Tareebuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar dhalinyaro u badan, kuwaasi oo maalmihii tegayay loo sheegayay in ay Jimcaha (Maanta) tareebuunka isugu yimaadaan.

 

Sidoo kale waxaa Banaanbaxa ka qeybagalay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Maxkamdaha Islaamka, Dalladda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, Dhaqaatiir, Nabaddoonno iyo Abawaanno dhamaantood si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliyeed.

 

Markii ay dadka isugu soo uruureen fagaaraha Tareebuunka ayaa waxaa la hadlay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha dhinaca difaaca ee Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna Shiikh Mukhtaar sheegay in dadka banaanbaxa ka soo qeybagalay iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeedba looga baahan yahay in ay isu diyaariyaan Jihaad ay la galaan wax uu ugu yeeray Gaalo Buuryo-qab ah oo haatan raacoodii ugu horeeyay uu joogo Deegaanka Mooda-moode oo Baydhabo iyo Buur-Hakaba u dhaxeyso.

 

“Aniga waxaa Jihaadka ila gelaya labo Wiil oo aan dhalay oo midkiiba uu jiro 12 sano, waxaa ii haray 4 gabdhood iyo wiil yar yar oo aanan weli qori qaadi karin, war idinkuna ma geleysaan Jihaadka?”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Rooboow oo ku dhiirigeliyay dadkii hadalkiisa dhegeysanayay in Itoobiyaanka ay ogyihiin in ay ku guuldareysanayaan dagaal ay la galaan Mujaahidiinta Soomaaliyeed sida uu yiri ay Soomaalida u ogyihiin in ay ku guuleysanayaan dagaal ay la galaan Ciidamada Itoobiya.

 

Sidoo kale waxaa dadkii ka hadlay Fagaaraha Tareebuunka ka mid ah Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka mid ah Qoyska Reer Ugaas ee Beesha Cayr, wuxuuna Ugaasku sheegay in dadka Soomaaliyeed maanta looga baahan yahay in ay naf iyo maalba u huraan difaaca dalkooda iyo diinkooda, “aniga maanta dhowr iyo lixdan jir baan ahay, diyaar ayaana u ahay in aan u dhinto difaaca diinteyda iyo dalkeyga”ayuu yiri Ugaaska oo sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay u dhaxeyso cadaawad ka soo bilaabatay lixdameeyadii, taasi oo aaney shacabka labada dal iloobi karin.

 

Ugaaska wuxuu ku baaqay in lala dagaalamo ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay dhulka Soomaaliyeed, sidoo kalena la baro sida uu u yiri Soomaalida soo hoggaamineysa Itoobiyaanka in aaney Gaalo Madow oo cadaw ku ah Soomaalida aaney soo gelin karin Dalka Soomaaliya.

 


Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markii uu Allaah uga mahadceliyay guulaha ay Maxkamadaha gaareen kadib sheegay in ay maanta dalka Soomaaliya ku jiraan ciidamo Tigree ah oo uu soo diray Meles Zenawi oo aan raali ka ahayn in dalka Soomaaliya uu cagahiisa isku taago. Shiikh Shariif waxaa uu kale oo uu ku soo daray dowladaha aan raaliga ka ahayn in ay Soomaaliya nidaam iyo kala dambeyn helaan Dowladda Kenya oo uu sheegay in uu madaxweynaheedii hore Daniel Arap Moi kashifay dibindaabyada ay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya la daba joogaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

 

“Meles Zenawi doorashadii ugu dambeysay waa looga guuleystay, dadka Itoobiyana xoog ayuu ku heystaa, waana dulman yihiin intooda badan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in uu Meles Zenawi doonayo in uu dhibaatadii uu ku hayay dalkiisa uu u soo gudbiyo dalka Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu intaas kadib ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed ee ay deegaanadooda ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka in ay deegaanadooda xabadda kula bilaabaan, si gaar ahna wuxuu baaqaas ugu diray shucuubta ku dhaqan Gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo gobollada kale ee laga soo sheegayo Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka uu kula dardaarmay in la is-maqlo oo la kala amar qaato si buu yiri loo xaqiijiyo guulaha la raadinayo.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in maanta shacabka Itoobiya ay dulman yihiin, ayna ku amar ku taagleeyaan ilaa 3 Milyan oo Tigree ah, sidaasi darteedna wuxuu ugu baaqay ciidamada sida uu yiri la soo siray ama kuwa xoogga lagu soo kaxeeyay in ay ka soo goostaan Maamulka Itoobiyaan, isagoo u ballanqaaday in aan la waxyeeleyn doonin.

 

Jihaadka lala geli doono ayuu sheegay Shiikh Shariif in uusan sahlaneyn, “Dadku waa in aysan yareysan dagaalka la gelayo waxaad la dagaalami doontaan ciidamo cadaw ah oo ku dagaalami doona diyaarado iyo hub casri ah, marka waa in lagu talagalaa dagaal daba dheer oo farsamadiisana ay ka gedisan tahay kuwii hore”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

“Waa in aad Jihaad u diyaar garowdaan oo aad hubkiina bixisaan, hubka la bixinayo waxaa ugu yar bastoolad, gammuun, seef iyo wax kasta oo wax lagu dili karo, waxaana ugu weyn kuwa aad u taqaanaan ZUU-ga iyo kuwa ka sii waa weyn”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif oo ganacsatada Soomaaliyeed, Shirkadaha iyo Hay’adaha ugu baaqay in ay hubkooda Jihaadka ku biiriyaan, si buu yiri dalka iyo diinta loogu difaaco.

 

“Dalka waxaa uu u baahan yahay in lagu difaaco Islaannimo dhab ah, isla markaana naf iyo maalba loo huraa”ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray Shiikha oo ugu baaqay dadka ku nool meelaha ay ciidamada Itoobiyaanka joogaan in ay isaga tagaan bacdamaa uu Jihaadka ku soo socdo.

 

Ugu dambeyntiina waxaa ku dhawaaqay goobaha ay dadka iska diiwaangelin karaan Shiikh Axmed Fanax oo maxkamadaha islaamka u qaabilsan Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada, wuxuuna sheegay in ay dadku iska diiwaangelin karaan Saldhigyada Galbeed, Kaaraan, Xamarweyne, Taliska Ciidanka Booliska iyo seddex goobood oo kale oo xitaa dadkii aanan jihaadka aadeynin ay geyn karaan wixii ay Jihaadka uga qeybqaadanayaan oo hub iyo dhaqaale ah, iyadoo is-diiwaangelintuna ay socon doonto muddo seddex maalmood ah.

 

Dhanka kalena, banaanbaxyo midkan la mid ah ayaa maanta waxay ka dhaceen gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud oo hoos yimaada Maamulka Maxkamadaha Islaamka, waxaa iyana deegaanadaasi laga furay Buugga Diiwaangelinta Jihaadka.

Sawirrada kale ee Banaanbaxa halkan ka fiirso

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).