16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qoysas ku guryo beelay Roob saacado ka da’ayay magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ku dhawaad tobaneeyo qoys oo degenaa guryo gaboobay oo ku yaala xaafadda Calanlay ee magaalada Kismaayo ayaa ku hanti beelay daadad ku soo rogmaday muddo saacado ah oo uu roob ku da’ayay.

 

Dadkani oo u badan dad danyar ah oo ku jirey  guryo gaboobay ayaa waxaa ay caruurtoodi iyo ayaguba ay ku nool yihiin si dulsaar ah guryo kale oo ay leeyihiin dad deriskooda ah si ay uga helaan meel ay roobka uga gambadaan .

 

Inta badan dadkii xaafaddaas ku noolaa ee khasaaraha soo gaaray waxay ahaayeen kuwo guryihiin ay deganaayeen ka guurayay, iyadoo ay u sii dheer tahay in uu roobka ka qooyay raashin yar oo ay

 

Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka taliya deegaanka J/Hoose ayay dadkani weydiisteen dhaqaalo lacageed si wax looga qabto masiibada soo gaartay, inkastoo aaney weli wax jawaab ah ka helin dhinaca Maxkamadaha.

 

Dhanka kalena warar naga soo gaaray degmada Beled Xaawo ee gobolka Gobolka iyo Tuulooyinka ku hareereysan ayaa sheegaya in roobab ka da’ay degmadaas ay ilaa 10 ruux oo 3 ka mid ah ay caruur ay halkaasi ku geeriyoodeen kadib markii ay daadad ku soo rogmadeen, wuxuuna Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed  Bur-kuus uu ka codsaday Hay’adaha Gargaarka in ay dadka ku waxyeeloobay daadadkaas ay gargaar la soo gaaraan.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
sahra@hiiraan.com
Kismayo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).