16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo 4 bilood ah lagu kordhiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa maanta ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay muddo toban Maalmood ah ku gaaraan Magaalada Baydhabo, iyadoo qoraal uu soo saarayna lagu xusay in la kordhiyay Kalfadhigii Baarlamaanka.

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in sababta loo kordhiyay kalfadhiga Baarlamaanka oo dhawaan soo xirmi lahaa  ay tahay iyadoo ay Baarlamaanka hor yaaliin howlo badan iyo ajendayaal aan laga doodin.

 

Xildhibaano ku dhow 50 mudane ayaa waxay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ka dhawaajiyay in ay saluugsan yihiin qaabka ay wax u wadaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, taasina ay tahay sababta ay Xamar u tageen, halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan Baydhabo u soconin tan iyo inta loo awood sheeganayo mas’uuliyiinta dowladda oo ay ka xuseen Jen. Cali Madoobe oo dhawaan maleeshiyooyin deegaanka ah ay ku amreen in uu Baydhabo isaga baxo.

 

Lama oga in Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan gobollada dalka iyo dibaddiisa ay ka jawaabi doonaan codsiga uu u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka, wuxuuna codsigan loo jeediyay Xildhibaanada ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Xildhibaanada Dowladda Federaalka qaarkood ka baqayaan in marka ay tagaan Baydhbao uu dagaalka ka dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka uu halkaas ka dhaco.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay waxay fuliyeen howlgallo ay nabadgelyada ku sugayeen, iyadoo howlgalka ciidamadana ay codsadeen dadka magaalada oo ka cabanayay kooxo burcad ah oo habeenkii dhac u geysta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).