16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Midowga Afrika oo sheegay in ay diyaar u yihiin Ciidamadii ay u diri lahaayeen Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 25, 2006(HOL): Golaha Ammanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee loo diri lahaa dalka Soomaaliya, inkastoo la ogyahay in uu Midowga Afrika dhaqaale u la’ yahay ciidamo nabad ilaalin ah oo uu u diray Gobolka Darfur ee Dalka Soomaaliya.

 

Geofrey Mugumya oo u hadlay Golaha Ammaanka iyo Midnimada Afrika ayaa sheegay in ciidamo loo diro Soomaaliya ay xayireyso cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, wuxuuse caddeeyay in haddii cunaqabateyntaas la qaado ay diyaar u yihiin ciidamadii ay u diri lahaayeen Soomaaliya oo haatan kuwii ugu horeeyay ay diyaar la tahay Dowladda Uganda oo iyadu muddo lix bilood ah baxsaneysa dhaqaalaha ku baxaya howlgalka nabad ilaalinta ah ee ay fulineyso Soomaaliya.

 

“ilaa iyo hadda waxaa diyaar ah ciidamo ka socda dowladda Uganda oo Soomaaliya geli doono haddii cunaqabateynta hubka la qaado”ayuu yiri Geofrey Mugumya oo sheegay in ay ciidamadaasi noqon doonaan kuwo nabadda xoojiya oo aan uga sii dari doonin mushkiladda ka jirta Soomaaliya.

 

Sarkaalkan u hadlay Midowga Afrika waxaa uu intaas ku daray in bisha November ee soo socota uu golaha Ammaanka Midowga Afrika ka shiri doono arrimaha ciidamo u dirista Soomaaliya oo  aan sahlaneyn marka loo eego in aan loo heynin dhaqaalihii ay ciidamadaas ku howlgeli lahaayeen.

 

Mr. Geofrey Mugumya wuxuu ku adkeystay in ciidamada ay Soomaaliya u dirayaan oo ah kuwo hubeysan ay xaaladda dejin doonaan, isla markaana ay difaac u noqon doonaan Dowladda Federaalka, “Marka aad ciidamo meel u direyso waa in ay ciidamadaasi noqdaan kuwo hubeysan, hayeeshee waxaan kuu sheegayaa in aysan ciidamadu noqon doonin kuwo uga sii dara dabka ka holcaya Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Mr. Geofrey Mugumya oo u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

 

Ciidamo shisheeye oo loo diro dalka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ballan ku qaaday in haddii ay ciidamadaas Soomaaliya yimaadaan ay la dagaalami doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).