16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS: “Dowladda Federaalka haddii ay tahay mid Soomaaliyeed Muqdisho ka timaado, haddiise ay tahay mid Itoobiyaan ah ha tagto Itoobiya”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 25, 2006(HOL): Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay Ciidamo Itoobiyaan ah u soo hoggaamiso Dalka Soomaaliya, iyadoo ay Maxkamadaha Islaamka wax badan ka qabteen amni xumadii jirtay.

 

Shiikh Xasan waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay Muqdisho timaado, haddii ay Itoobiyaan tahayna ay Itoobiya aaddo “Dowladda Federaalka haddii ay tahay mid Soomaaliyeed Muqdisho ka timaado, haddiise ay tahay mid Itoobiyaan ah ha tagto Itoobiya” ayuuna yiri Shiikh Xasan Daahir oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu caddeeyay in aysan Maxkamadaha Islaamka weerar ku ahayn Magaalada Baydhabo, hayeeshee ay Dowladda tahay waxa doonaya in la isku dhaco. Isagoo ka hadlayay arrimaha Shirka Khartoum ee loo qabanayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay iyagu diyaar u yihiin ka qeybgalka shirkaas oo loo asteeyay in la qabto 30-ka bishan Oktoobar.

 

Hadalkan uu bixiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay weerar ku yihiin dalkiisa, isla markaana ay ciidamada dalkiisa dagaal farsameysan kula jiraan Maxkamadaha.

 

Meles Zenawi waxaa uu sheegay in ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay aad ugu soo dhawaanayaan Xuduudka dalkiisa uu la wadaago dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in taasi haddii ay sii wadaan Maxkamadaha ay keeneyso in ay dagaal  qaadaan, inkastoo uu caddeeyay in ay ilaa xad dulqaad muujinayaan.

 

Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay ku baaqeen Jihaad lala galo Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha Soomaaliya soo galay, waxayna Mas’uuliyiinta Maxkamadaha baaqaas jeediyeen kadib markii ay Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo la sheegay inay garab siinayaan kuwo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha  Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).