16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Hay’ada Gargaarka Afrika oo lacago Zakaatul Fitri ah u qeybisay boqolaal qoys oo ku nool Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, October 24, 2006(HOL): Boqolaal Qoys ayaa Salaadda Ciida ka hor Muqdisho loo qeybiyey lacago loogu talo galay Zakaatul fitriga oo ay ku deeqday Hay’adda Gargaarka Afrika, si ay ugu ciidaan Qoysaska ku dhibaateysan Xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho.

 

Qeybinta lacagahan oo lagu qabtay Xafiiska Hay’adaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiskaasi, isla markaana gacantooda ku bixinayey lacagahaasi.

 

Mas’uul u hadlay  hay’adda Gargaarka Afrika ayaa waxa uu sheegay in  qorshaha qeybinta  lacagahani ay u sameeyeen Barnaamij cad, iyadoo qoysaskan oo laga soo xulay Xeryaha dadka soo barakacay  loo soo qeybiyey Kaararkii ay ku qaadan lahaayeen lacagaha Zakaatul fitiriga ah.

 


Faadumo Maadeey Aadan oo ka mid ah haweenkii guddoomay lacagahaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay  Hay’ada Gargaarka Afrika, waxa ayna sheegtay in maanta  oo ciid ah ay wax  weyn u tareyso iyadoo xustay in  ay sidoo kale u baahan yihiin kaalmooyin kuwaan ka badan kuwaasoo noloshooda wax u tara.

 

Hay’adda Gargaarka Afrika  oo xarunteeda ugu weyn ku taala  Wadanka Ingiriiska  ayaa waxay  tan iyo bilowgii bisha Barakeysan ee Ramadaan barnaamijyo Afurin ah ay ka waday   Qaar ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan  Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, Gobalka Banaadir iyo Shabeelooyinka waxana la sheegay dhamaan gobaladaasi   afur loogu sameeyey dakda  ugu taagta daran.

 

Bixinta Deeqahan isugu jira Afurinta iyo Zakaatul Fitriga  ayaa waxaa  ku soo beegantay xili  ay  gobalada Dalka Somaaliya ay ku sii badanayaan dadka  aan waxba heysan isla markaana ay ugu darsmeen Colaado Ragaadiyey, hase yeeshee  Mas’uuliyiinta  Hay’ada Gargaarka  ayaa sheegay  in  fulinta Barnaamijyadan in ay saamaxday Xaalada amaan ee Deegaanada laga hirgaliyey.

 

Hay’adda Gargaarka Afrika ayaa waxa ay howshooda ugu balaaran tahay Samafalka bulshada, taageerada, dadka dhibaateysan iyo arimo kale mana ahan markii ugu horeysay ee ay kaalmooyin noocaan ah  u qeybiso dadka soo barakacay ee ku nool  gobollada Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).