Talaado, October 24, 2006(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa shalay gelinkii dambe waxay booqasho ku tageen degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.
Mas’uuliyiinta gaartay Magaalada Buur-Hakaba ayaa waxaa ka mid ah Shiikh C/raxmaan Jinaqow, Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, C/qaadir Abuukar Cumar, Caddaan, Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Macallin Xaashi Maxamed Faarax iyo xubo kale.
Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen magaaladaas waxay la hadleen dadka deegaankaas oo ay u sheegeen in ay ugu yimaadeen in ay la qeybsadaan farxadda Ciidda, sidoo kalena ay u sheegaan in ay ka difaacayaan in ay mar kale qabsadaan Ciidamo Itoobiyaan ah. Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in aysan weerar ku ahayn Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed balse ay is-difaaci doonaan haddii weerar uga yimaado dhinaca Dowladda.
Wararku waxay intaas ku darayaan in mas’uuliyiintaas ay dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho markii ay booqashadooda Buur-Hakaba dhameysteen, inkastoo la sheegayo inay halkaasi geeyeen ciidamo taageera Maleeshiyooyinka Deegaanka ee dagaalka la galay Ciidamada Dowladda Federaalka.
Magaalada Buur Hakaba ayaa muddo 48 saacadood ku dhow waxay gacanta ugu jirtay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo la sheegay in ay la socdeen kuwo Itoobiyaan, waxayse ciidamadaas dib uga laabteen halkaas shalay aroortii, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalkana ay ku tilmaameen ka bixitaankooda magaalada Buur-Hakaba mid caadi ah oo timid kadib markii ay ciidamada Dowladda dhameysteen howlgallo burcad sifeyn ah oo ay halkaasi ka wadeen.
Dhanka kalena, warar saakay aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo tallaabay xadka Soomaaliya oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la sheegay in ay dowladda Federaalka ka difaaci doonaan weerarro uga yimaada Maxkamadaha Islaamka.
wuxuuna soo gelitaanka ciidamadan Itoobiyaanka ku soo beegmayaa iyadoo Sarkaal u hadlay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Barakat Simon uu sheegay in ay Dowladdiisa difaaci doonto Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ka wel welsan weerar uga yimaado Maxkamadaha Islaamka, inkastoo Mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay sheegeen in aysan weerari doonin Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia