Isniin, October 23, 2006(HOL): Waxaa maanta lagu qabtay Xaruntii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed Xaflad lagu furayay Radio Mogadishu oo tan iyo wixii ka dambeeyay dowladdii hore gacanta maamullo kala duwan oo uu ugu dambeeyay midkii SNA ee uu hoggaaminayay marxuum Jen. Caydiid.
Xafladdaas waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo ka socday maamulkii Idaacadda gacanta ku hayay mudadii fowdada ahayd ee ay soo martay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyayaasha Golaha Shuurada iyo Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo booqday Xarunta Radio Muqdisho ayaa xariga ka jaray Raadiyahaas oo Isbaheysigii SNA uu u bixiyay Idaacadda Codka Shacabka, waxaana haatan Raadiyahaas loo magac daray Idaacadda Codka Umadda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa intii ay ku sugnaayeen Xarunta Idaacadda waxaa lagu soo wareejiyay dhamaan Dhismayaasha ay ka kooban tahay Wasaaraddii Warfaafinta Soomaaliyeed, Wuxuuna Agaasimihii Idaacaddaas C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi uu tusiyay mas’uuliyiinta Maxkmadaha burbur soo gaaray qeybo ka mid ah Keydadkii Idaacadda oo duqeyn ay u geysteen Diyaaradihii Mareykanka sanadkii 1993-kii.
Shiikh Xasan Daahir iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intaas kadib waxay si toos ah uga hadleen Istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho, iyagoo halkaasina hambalyo ku saabsan munaasabadda Ciidda Soonfur uga jeediyay Dadka Soomaaliyeed.
Labada mas’uulba waxay mahadcelin u jeediyeen Dadkii soo xafiday Qalabka Idaacadda, waxayse sheegeen in Idaacaddaas oo u shaqeyn jirtay dad gaar ah ay haatan kadib u shaqeyn doonto dadka Soomaaliyeed, Idaacaddana loogu yeeri doono IDAACADDA CODKA UMMADDA SOOMAALIYEED, “Idaacaddan iyo Warbaahinta kale ee dalka waxaan ugu baaqeynaa in ay noqdaan kuwo runta sheega oo si caddaalad ah dadka ugu adeega”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in looga baahan yahay Warbaahinta in ay sal u yeelaan wararka ay tebinayaan.
Shiikh Xasan wuxuu intaas ku daray in looga baahan yahay Wariyayaasha iyo howl-wadeenada Warbaahinta in ay yeeshaan dhaqan Islaami ah, “Annagu ma af-duubeyno Warbaahinta balse waxaan rabnaa in aan tababarno oo aan ku tababarno dhaqanka Islaamka”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isaguna ugu baaqay Warbaahinta in ay ka run sheegaan waaqiciga ka jira dalka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Warbaahinta kale ee Ajnabiga ah in aysan ka been sheegid xaaladda Dalka Soomaaliya, “Waxaan leenahay haddii aadan run ka sheegeynina dhabta ka jirta Soomaaliya iska daaya wararka aan jirin ee aad ka faafisaan Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Shariif.
Xarunta Raadiyo Muqdisho ayaa waxaa lagu wareejin jiray maamul kasta oo uu yeesho Gobolka Banaadir, waxaana Maxkamadaha Islaamka oo maanta ugu dambeeyay ka horeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo Ra’iisal Wasaaraheeda iyo Guddoomiyaheeda Baarlamaanka lagu wareejiyay, inkastoo Dowladda lagu wareejiyay aysan weli si rasmi ah u soo cag dhigin Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia