16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shiikh Shariif oo Jowhar u jooga xalinta khilaaf soo kala dhexgalay Maamul halkaas ka jira

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 22, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu maanta halkaas kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamul ay maxkamadaha Islaamka halkaas ka dhiseen, kaasi oo la sheegay in ay mas’uuliyiintiisa is-khilaafeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Shiikh Shariif uu xalay kulan la qaatay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Cusmaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo maamulka ka tirsan, kuwaasi oo ay xurguf kala dhaxeyso guddoomiya gobolka.

Shiikh Shariif oo ilaa maanta berri ah ku sugnaan doona magaalada Jowhar ayaa waxaa ugu dambeysay bishii June ee sanadkan, xiligaasoo ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo xiligaasna ay Maxkamadaha u dhiseen Gobolka Shabeelaha Dhexe maamulka haatan ay xubnihiisa is-khilaafsan yihiin.

Muddo shan sanadood ah ayaa waxaa ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe maamul uu guddoomiye ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo haatan si uu Soomaaliya ugu soo noqdo ka soo jabhadeynaya gudaha Itoobiya, wuxuuna Maxamed Dheere intii uu Shabeelaha Dhexe ka talinayay uu ku soo dabaalay nabadgelyo, walow uu maamulkiisa ahaa mid adag oo mararka qaarkood qaadi jiray lacago canshuuro ah oo aysan dadku awoodin.

Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa meelo ka mid ah deegaanadii ay ka talinayeen waxaa ka bilowday dagaallo sida Degmada Bu’aale iyo Degmada Buur-Habaka oo ay taageerayaal u joogeen, waxaana xusid mudan in ay Maxkamadaha Islaamka colaad kala dhexeyso Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Muqdisho ka ceyriyeen iyo Dowladda Federaalka oo taageero ka heleysa Dowladda Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).