Axad, October 22, 2006(HOL): Xaaladda Magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa degan kadib markii uu halkaas shalay dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan ka helayay Maxkamadaha Islaamka.
Xalay iyo maanta halkaas wax dagaal ah kama jiraan, inkastoo ay labada dhinac sameynayaan isu hub uruursi, waxaana dhaqdhaqaaqyada ay sameyanayaan labada dhinac laga dareemayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka fariisin u kala ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Jameecada oo Buur-Hakaba Bari kaga toosan, halka Maleeshiyooyinka Deegaanka iyo Kuwa Maxkamadahana ay joogaan Deegaanka Qardho oo aan u dheereyn halka ay Ciidamada Dowladda joogaan, iyadoo weliba ay isu jiraan masaafo ka yar 20km.
Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta iyo Cali Axmed Jaamac Jingeli oo isna ah Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa labaduba waxay isku eedeeyeen in ay falal nabadgelyo darro ah iyo dhibaato ka geysteen magaalada Buur-Hakaba, inkastoo sheegashooyinkaas la oran karo waa kuwo ay midba tan kale dembi ugu yeeleyso.
Dagaalka ka dhacay Degmada Buur-Hakaba ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dadka ku socdaalki jiray Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna labada dhinacba diideen in ay ka gudbaan gaadiidka u kala socda magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, inkastoo si gaar ah loo diidayo gaadiidka xamuulka ah ee raashinka iyo alaabaha kale daabula.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia