16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

UNHCR oo ka qeylineysa Tahriibayaal isku biimeynaya Badda Cas

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 21, 2006(HOL): Iyadoo uu maamul goboleedka Puntland qaaday tallaabo uu ku joojinayo dadka Tahriibka ee Doomaha ka raaca Xeebaha Boosaaso ayaa hadana waxaa muuqaneysa in ay sidoodii u sii socdaan dadka u tahriibaya Dalka Yemen ee ka tallaabaya gacanka Cadmeed, kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya, waxaana todobadii Asbuuc ee ugu dambeysay u Tahriibay dad gaaray 6,000 oo Qofood.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga oo lagu magacaabo Ron Redmond ayaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka sheegay in rakaab saarnaa doon u socotay dalka Yimid intii ay biyaha ku jirtay laga tuuray Shan Ruux oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo iyadoo loo jeedo ay cuneen Libaax Badeedyo.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in markii ay Doontaas u dhawaatay xeebaha Yemen mar kale loo diiday in ay 25 Ruux oo Itoobiyaan ah ay ka degaan Doonta, iyadoo taasina ay Raggii Doonta watay ay ku sababeeyeen in haddii ay Dadkaasi doonta ka degaan uu lumayo isu dheelitirka Miisaanka Doonta, ilaa iyo haatanna dadkaasi dib looma arag.

Sida lagu caddeeyay warbixin ay soo saartay UNHCR waxaa dalka Yemen gaaray horraantii September 5,700 ruux oo u badnaa Soomaali, kuwaasi oo loo gudbiyay Xero Qaxooti oo ku taala Koofurta Yemen, halkaasi oo loogu sameeyay daweyn iyo daryeel kale.

Tan iyo markii ay bilowdeen dadka u tahriibaya dalka Yemen waxaa soo kordhayay baaqyo is-daba joog ah oo ka soo baxayay Hay’adda UNHCR oo deeq bixiyaasha caalamka ka dalbaneysay in wax laga qabto dadka naftooda ku biimeeya Tahriibka dhinaca Badda ah, hayeeshee waxaad mooddaa in aaney beesha caalamka u soo jeedin wax ka qabashada dadka u tahriiba Dalka Yemen.

Maamul Goboleedka Puntland Puntland ayaa wuxuu dagaal kula jiraa dadka Tahriibka ee doomaha raaca Xeebaha Boosaaso, wuxuuna dhaqaan qabqabtay dad tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo maamulka Puntland uu sheegay in uu dib ugu celinayo deegaanadii ay markoodii hore ka yimaadeen, inkastoo ay jiraan dad ku sii indho adag in ay si qarsoodi ah uga amba baxaan Xeebaha Yemen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).