16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ka hadlay qabsashadii Dowladda Federaalka ee Buur Hakaba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 21, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay iska hor imaadkii saakay Magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ku dhexmaray ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka, waxayna mas’uuliyiin u hadleen Maxkamadaha Islaamka sheegeen in ay magaaladaas qabsadeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta ayaa sheegay in aaney maxkamadaha Islaamka gacmaha ka laaban doonin weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku goodiyay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday, isagoo caddeeyay in ay Ciidamo iyo Tikniko u diri doonaan Magaalada Buur-Hakaba, si ay halkaasi uga sifeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Shiikh C/raxiin waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka u sahashay Ciidamada Itoobiya in ay qabsadaan Magaalada Buur Hakaba, hayeeshee aysan taasi suurtageli doonin. sidoo kale waxaa ka hadlay qabsashadii Magaalada Buur-Hakaba Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Gaashaandhigga, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciidamada qabsaday ay yihiin Itoobiyaan, “Haddii Ciidamada qabsaday ay ahaan lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka annagu waxba kama qabi lahayn balse haatan waxaa magaalada heysta Ciidamada Tigreega Itoobiya”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Haddaba iyadoo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ay ku doodayaan in weerar lagu soo qaaday saakay aroortii ayay Dowladda Federaalka iyaduna sheegeysaa in ay maleeshiyooyin ka amar qaata nin lagu magacaabo Xasan Aadan Buullow oo Maxkamadaha Islaamiga gacan saar la leh ay soo weerareen Degmada Buur-Hakaba, isla markaana ay falal nabadgelyo darro ah abuureen. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Buur Hakaba tageen kadib markii ay falal nabadgelyo darro ah halkaas ka fuliyeen maleeshiyooyin jid gooyooyin ka sameystay magaalada dhexdeeda.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in tegitaankoodu uu ka dambeeyay kadib markii ay dadka deegaanka ka codsadeen, wuxuuna caddeeyay in markii ay magaalada tageen si weyn loogu soo dhaweeyay, isagoo dhinaca kalena beeniyay in ay ciidamadooda la socdeen kuwo Itoobiyaan ah.

Magaalada Buur-Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jirta xiisad colaadeed, waxayna dadka ku dhaqan ay muujinayaan wel wel ku saabsan in ay dhibaato ka soo gaarto dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada Itoobiya. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Buur-Hakaba ayaa waxay sheegayaan in ay labada ciidan isku hor fadhiyaan halka lagu magacaabo Jameeco iyo Qardho oo Degmada Buur-Hakaba dhinaca bari kaga toosan, tiiyoo ay isu jiraan masaafo lagu qiyaasay 10km.

Salaad Iidow Xasan, Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).