16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamada Isbaheysiga La-Dagaalanka Argagixisada Geeska Afrika oo Saldhig ka sameysanaya Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 02, 2006(HOL):Ciidamada Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ee Geeska Afrika ee uu horkacayo Mareykanka ayay warar aynu ka helnay ilo muhiim ah sheegayaan in ay doonayaan in ay saldhig ka sameystaan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay dhawaan ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo.

 

Taliye ka tirsan Ciidamadaas, gaar ahaan kuwa Faransiiska oo lagu magacaabo Francois Poldernan ayay wararku sheegayaan in dabayaaqada todobaadkii hore ay xuduuda booqdeen ciidamo uu horkacayo, kuwaasoo la sheegay in ay wada hadal kula yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Xeebta bari ee dalka Kenya Mr. Ernest Munyi, iyagoo isla soo qaaday sidii ay dowladda Kenya gacan uga siin lahaayeen ilaalinta xuduuda Soomaaliya.

 

Dowladda Kenya ayaa halkaasi todobaadkii hore soo dhoobtay ciidamo baaraya dadka qaxootiga ah si ay uga hubiyaan in aaney kooxo argagixiso ah ugu soo dhex dhuuman, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Xeebta Bari ee dalka Kenya.

 

“Waxaan u sheegnay ciidamadeena in ay qaxootiga ka dhex soocaan argagixisada ku soo dhex dhuumaneysa Kenya, iyagoo iska dhigaya dad Qaxooti ah”ayuu yiri Mr. Ernest Munyi oo intaas sii raaciyay hadalkiisa in qaxootiga ay u dirayaan xerada dhadhaab, si halkaas loogu diiwaangeliyo.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in deegaanada ay aadka u ilaalinayaan ay ka mid tahay magaalada xeebta ah ee Lamu iyo Kiunga oo uu sheegay in laga hortegayo qatar kasta oo ku imaan karta.

 

Ciidamada Isbaheysiga ee uu horkacayo Mareykanka ayaa muddo ka badan 2 sanadood ku sugnaa Xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo ay sheegeen in ay ka ilaalinayaan in ay kooxo argagixiso ah ku soo dhuuntaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo xarun ka dhigtay dalka Jabuuti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).