16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka naxsan Maxkamadaha Islaamka ee ku sii fidaya Gobollada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 02, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Meles Zenawi oo ka hadlay Taleefashinka dalkiisa ayaa sheegay in hadii maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay qabsadaan dhul weyn oo ka mid ah Soomaaliya ay taasi carqalad ku tahay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka intiisa kale, wuxuuse sheegay in aan la ogolaanin in ay taasi dhacdo.

 

Meles Zenawi waxaa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamka ee loolanka kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ay ka soo jeedaan dowladda Itoobiya iyo nabadda guud ahaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladdiisa iyo dowladda Federaalka uu ka dhaxeeyo xiriir xooggan oo aad u wanaagsan.

 

Hadalkan walaaca ah ee ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Maxkamadaha Islaamka ay dhawaan gacanta ku dhigeen magaalada xeebta leh ee Kismaayo, halkaasi oo uu horay uga talin jiray Isbaheysigii Dooxada Jubba.

 

Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa waxay ka taliyaan Magaalada Muqdisho iyo gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ay deegaanadaasi ku soo rogeen xukunka Shareecada Islaamka.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee, Dowladda Itoobiya ayaa waxay ka mid tahay dowladaha aadka u daneynaya in ay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto Soomaaliya, walow doonisteedaas ay tahay mid ay si weyn uga soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamka iyo qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).