Khamiis, October 19, 2006(HOL): Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in Tallaal deg deg ah oo lagu ciribtirayo Cudurka Dabeysha lagu qaado Xerooyin Qaxooti oo ku yaala Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii 22 sano dabadood halkaas lagu arkay ilmo qaba cudurka Dabeysha.
Gabar yar oo 3 sano jir ah oo dhinaca Soomaaliya ka gashay dalka Kenya, isla markaana daweyn loo geeyay Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa lagu arkay Cudurka Dabeysha, waxayna taasi ku abuurtay Dowladda Kenya cabsi weyn oo ku saabsan in cudurkan uu ku sii baaho Dalka Kenya.
Ololaha Tallaalka ay ku baaqday Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu qaadi doonaa Degmooyinka Gaarisa, Waajir, Ijaara, Mandheera iyo Mooyaale, sidoo kalena waxaa la gaarsiin doonaa Degmooyinka iyo Tuulooyinka ku yaala Xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Dr Nicholas Muraguri oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in Dowladdiisa oo kaashaneysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay tallaaleen dhamaan Caruurta ku jira Xeryaha Qaxootiga Kenya, “Haatan Waxaan bar tilmaameedsaneynaa Caruurta ay Da’doodu ka hooseyso 14-ka sano ee ku jira Xeryaha kala ah Kakuma, Dhadhab iyo Hagbera”ayuu yiri Dr Nicholas Muraguri oo sheegay in sidoo kale caruurta ka tallaali doonaan cudurrada kale ee dila caruurta da’doodu ka hooseyso tobanka sano.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia