14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Culumaa’udiin ka soo jeeda Deegaanada Puntlnad oo Muqdisho u jooga sidii Maxkamadaha Islaamka loo geyn lahaa deegaanadooda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 19, 2006(HOL): Waxaa maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho Culumaa’udiin ka yimid deegaanada Puntland, kuwaasi wada hadallo la leh mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

 

Culumaa’udiinkan oo ay ka mid yihiin Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed, Shiikh Cabdullaahi Faarax Maxamed iyo Shiikh Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa waxaa sheegeen in ay u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay u soo eegi lahaayeen is-bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay indhahooda ugu arki lahaayeen.

 

Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed oo hoggaaminaya Culumaa’udiinkan ayaa sheegay in ay is-arkeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay is-barteen, isla markaana ay ka wada hadleen sidii ku dhaqanka Shareecada Islaamka loogu baahin lahaa deegaanada Puntland. Shiikha wuxuu intaas ku daray in Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2001 ay ku arkeen is-bedel weyn iyo nabadgelyo lagu isku haleyn karo, wuxuuna caddeeyay in aan isbedelkaas la heli lahayn haddii aan Qaab Islaami ah loo raadin.

 

Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu ka wel welsan yahay saameyn ay ku yeeshaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee ku sii fidaya dalka Soomaaliya, wuxuuna dhawaan maamulka Ciidamo soo dhoobay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, walow uu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in aaney Maxkamadaha Duullaan ku ahayn Puntland, hayeeshee laga doonayo in ay iska saaraan xubno ka haray Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada oo ula jeeday Cabdi Qeybdiid oo xiligaas ku sugnaa Deegaano ka tirsan Puntland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).