Khamiis, October 19, 2006(HOL): Guddoomiyaha golaha shuurada Maxaakimta Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa beeniyay jiritaanka warqad uu isagu ku sixiixnaa oo la qoray 6 dii bishan Ramadaan, taasoo lagu sheegay in Sheekhu uu u diray 30 askari oo ka tirsan Ciidamada Maxaakimta, gaar ahaan kuwa Shabaabka loo yaqaano Deegaanada Somaliland, si ay halkaasi uga fuliyaan falal Qarbudaad ah iyo in ay khaarijiyaan Madaxweynaha Maamulkaasi Daahir Riyaale Kaahin.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay Shiikh Xasan Daahir in Warqaddaasi oo ay soo qoreen dhowr bar oo internetka ah aanay waxba ka jirin, iyadoo looga gol leeyahay in lagu wiiqo Sumcadda Maxaakimta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay Shiikh Xasan in ay ka dambeeyeen farsameynta Warqaddaasi been abuurka ah dad uu ugu yeeray in ay yihiin cadowga Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaki ka muujiyay warqaddaas, waxa uuna ku sheegay hadal uu shalay Hargeysa ka jeediyay in dowladdiisu ay baaritaan ku heyso Warqaddaasi oo ku soo beegantay kadib markii ay mas’uuliyiin ka tirsan maxaakimta ku eedeeyeen Somaliland iney jir dil u geysatay Culumaa’udiin Xabsiyadeda ku xiran.
Isha Warka: Radio Shabelle
Mogadishu, Somalia