14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Kooxda Xiriirka Soomaalida oo Nairobi kula kulmaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 19, 2006(HOL): Waxaa maanta ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ay soo qabanqaabisay Kooxda Xiriirka Soomaalida, kaasi oo looga hadlayo xiisadaha ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo maxkamaha Islaamka oo iyagu ku hardamaya aayo ka talinta dalka Soomaaliya.

 

Shirkan oo hal maalin socon doona waxaa dhinaca dowladda Federaalka uga qeybgeli doona Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka uu dhinaca Maxkamadahana u meteli doono Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo arrimaha Dibadda u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka.

 

Ujeedada ugu weyn ee ay kooxda Xiriirka Caalamka u qaban qaabisay shirkan ayaa waxay tahay sidii meesha looga saari lahaa xiisado ka dhex oogmay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka kadib kulankii labaad ee Khartoum, waxayna dooneysaa Kooxda Xiriirka Soomaalida in ay labada dhinac ka dhaadhiciso in ay ka qeybgalaan shirka Khartoum oo wejigiisa 3aad  loo ballansan yahay in uu dhaco 30-ka bishan Oktoobar.

 

Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaalida ayaa xubno ka ah Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD, Ingiriiska, Talyaaniga, Norway, Sweden iyo Tanzania, waxaana Mareykanka uga qeybgeli doona shirka Jandayi Fraizer oo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, waa sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi.

 

Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa dhowr jeer waxay shaki geliyeen ka qeybgalkooda shirka Khartoum, iyadoo dowladda Federaalka ay ku eedeysay Jaamacadda Carabta oo shirkaas soo qaban qaabisay in aysan dhexdhexaad ka ahayn Arrimaha Soomaaliya, halka Maxkamadahana ay sheegeen in aysan shirka tegi doonin haddii aaney dalka ka bixin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Soomaaliya, inkastoo Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiyaba ay beeniyeen in ay Soomaaliya joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Ergay shirka ka qeybgelaya oo Midowga Yurub ka socda ayaa sheegay in shirka ay soo qabanqaabiyeen looga gol leeyahay in xal waara loo helo mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaana xiisadihii dhawaan ka dhex oogmay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo markaasina loo baajin lahaa in xoog la isu adeegsado.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo saakay Muqdisho ka duulaya, isla markaana Maxkamadaha shirkaas uga qeybgelaya ayaa sheegay in ay Kooxda Xiriirka Soomaalida u gudbin doonaan hadafka maxkamadaha ay leeyihiin oo uu ku sheegay in uu yahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya,  wuxuuna caddeeyay inay shirka ka hor caddeyn doonaan waxyaabaha ay Maxkamadaha Islaamka ka qabteen Soomaaliya, gaar ahaana nabadgelyada iyo kala dambeynta ay soo celiyeen.

 

Kooxda Xiriirka Soomaalida ayaa waxaa la sameeyay kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen Hoggaamiye Kooxeedyo hubeysnaa, kuwaasi oo la sheegayay in ay Mareykanka ka heli jireen taageero Maaliyadeed oo ay ku soo qaateen in ay la dagaalamayaan Argagixiso ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirar ay horay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ugu yeesheen magaalada Khartoum ayaa waxaa ka soo baxay heshiisyo KMG ah oo u muuqda inaan waxba laga dhaqangelin marka la eego sida ay labada dhinac isaga sii wataan waxyaabihii lagu ballamay in la joojiyo sida dalabka Ciidamada Shisheeyey oo ay Dowladdu wadato iyo Maxkamadaha Islaamka oo sii qabsanaya dhul hor leh oo Koofurta Soomaaliya ka tirsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).