Arbaco, October 18, 2006(HOL): Ururka isku xirka Suxufiyiinta Gobalka Hiiraan (Hiran Journalists Network) ayaa markii ugu horeysan fadhi uu ka yeeshay Qoraalkii ka soo baxay Midowga maxkamadaha ee ku wajahnaa dhinaca saxaafadda waxaa ay si weyn uga doodeen sida ay suurta gal ku noqon karto in saxaafadu hirgaliso qaar ka mid ah qodobada lagu qeexay qoraalka oo ay ku tilmaameen in ay yihin kuwo cuuryaamin kara shaqada Suxufiyiinta.
Kulanka oo ahaa mid marka dhan laga eego xasaasi ah ayaa xubnihii ka qeyb-galay waxaa ay sheegeen in aan loo baaneyn in Maxkamaduhu ay isku xiraan yoolkooda siyaasadeed iyo shaqada suxufiga oo ah sida kulanka laga sheegay kuwo kala madax-banaan, waxaana ay intaas ku dareen in saxaafaddu aysan marnaba dafiri karin shaqooyinka ay hayaan Maxkamadaha, taasoo aan loo fasiran ayay yiraahdeen in Saxaafaddu tahay mid u adeegta oo kaliya danaha maxkamadaha,
Qodobka sida weyn laysugu qabtay intii uu kulanku socday ayaa waxaa uu ahaa kan ku saabsan in saxaafaddu ku wargaliso maxkamadda Isha ay warka ka soo xiganeyso oo sida kulanka laga sheegay ah qodob dhawacaya shaqada suxufiga maadama sida la og yahay maxkamaduhu aysan raali ka noqon karin in war laga soo xigto dhinaca ay iska soo horjeedaan oo mar marka qaar warkoodu muhiim u yahay saxaafadda.
Laakiin waxaa uu kulanku ku tilmaamay arrin laga fiirsan karo qodobka ku saabsan in saxaafaddu aysan adeegsan karin erayada sida weyn Reer galbeedku u isticamaalo, sida Argagixiso, Asal Raac, iyo wixii la mid ah oo dhinacyadu isla garteen in ay yihiin kuwo laga maarmi karo.
Kulanka oo ay ka qeyb-galeen dhamaanba xubnaha ku jira Ururka iyo waliba wariyayaasha Madaxa baan ee ka howl-gala Gobolka ayaa ugu dambeyntii laysku Afgartay in si wadda jir ah qoraal loogu gudbiyo mas’uuliyiinta sar sare ee Maxkamada Islaamiga Gobolka, si markaas looga foojignaado dhibaato ku timaada wadda shaqeynta labada dhinac, waxaana sidoo kale laysla gartay in saxaafaddu aysan marna noqon karin mid iyadu dhinac uun la shaqeysa maadaama ay tahay mid dhexdhexaad ah oo ka turjunta xaqiiqda dhabta ah ee markaas taagan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia