14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Jabuuti oo la sheegay in ay dabcisay Mowqifkii ay ka taagneyd Arrimaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 17, 2006(HOL):Warar aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti uu is-bedel ku yimid mowqifkii ay ku taageereysay Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed, iyadoo haatan la sheegayo in ay jirto wax xoogaa dabacsanaan ah oo ay Dowladda Jabuuti mar kale kula midoobeyso Urur Goboleedka IGAD oo ay dhawaantan gaar ka noqotay markii ay si buuxda uga hortimid in ciidamo ku howlgelaya magaca IGADSOM la keeno Dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bilaabay booqashooyin uu ku soo kala bixinayo Dalalka IGAD oo ay madaxda Dalalkaasi ka wada hadleen labo arrimood oo ay ugu muhiimsan tahay is-bedelka mowqifkooda ku wajahan arrimaha Soomaaliya ee ay ku diidanaayeen keenista Ciidamada Shisheeye iyo casuumaadda xubnaha dalalkaas ee ku jira Ururka Comesa oo sanadkan uu kulankooda ka dhacayay dalka Jabuuti.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa la soo weriyay in ay aad u soo dhaweeyeen  is-bedelka Dowladda Jabuuti ee Arrimaha Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn waxa ay ka tiri karto in la qaado xayiraaddii hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo in la keeno Ciidamada IGADSOM iyo kuwa Afrikaanka ah.

 

Dhanka kalena, Dowladda Jabuuti ayaa la sheegayaa in ay waddo qorshe ay isugu soo dhaweyneyso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah oo isugu haray aayo ka talinta Dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u dhexdhexaadin lahayd, uguna guuleysan lahayd guul ka gaaridda khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

 

Dowladda Jabuuti ayaa horay waxay u caddeysay in aaney xalka Soomaaliya u arkeynin ciidamo shisheeye oo loo diro, wuxuuna Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay mowqifka dowladdiisa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro Soomaalida oo dhexdeeda wada hadasha, aayaheedana ka tashata.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).