14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Banaanbax looga horjeeday Dowladda Itoobiya oo ka dhacay Degmada Buur-Hakaba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 17, 2006(HOL): Magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la sheegay in ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

 

Dadka banaanbaxayay oo taageersan Maxkamadaha Islaamka ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Itoobiya, waxayna Dowladda Itoobiya ugu baaqeen in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halka ay Dowladda Federaalkana uga digeen in ay ku martiqaaddo Dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale waxay ka cabanayeen xil ka qaadistii uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ku sameeyay Wasiirraddii Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh oo iyadu ka soo jeeda Deegaanka Buur-Hakaba, wuxuuna Cusmaan Cali Maxamed oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha uu ku dooday in xil ka qaadistaas ay ahayd sharci darro.

 

“Dowladda federaalka waxaa lagu soo dhisay Qaab Qabiil, sharcina ma ahan in Ra’iisal Wasaare Geedi xubintii aan lahayn uu siiyo qof kale oo aan ka soo jeedin beesheena”ayuuna yiri Cusmaan Cali Maxamed oo ka mid ahaa dadkii shalay ku banaanbaxay Buur-Hakaba.

 

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay la socdaan kuwo Itoobiyaan ah ay gaareen Magaalada Buur-Hakaba, halkaasi oo ay waqti gaaban joogeen, kadibna ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka yimaadeen. Tallaabada ay soo qaadeen ciidamada Dowladda waxay keentay in Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka Muqdisho kaga dhawaaqaan Jihaad lala galo Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya, isla markaana qabsaday Degmada Buur-Hakaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).