14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in uu faraha kala baxay Wada Hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 16, 2006(HOL): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga dhawaaqay in uu isaga baxay wada hadalladii uu ku lugta lahaa ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warkaas wuxuu u sheegay diblumaasiyiin uu kulan kula qaatay magaalada Nairobi, kuwaasi oo iyana u sii gudbiyay Saxaafadda, walow uu jiritaanka warkaas xaqiijinayo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ahaa labo xubnood oo uu guddoomiye Shariif Xasan u magacaabay in ay wada hadallo Nairobi kula galaan wafdi kale oo ka socday Maxkamadaha Islaamla.

 

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu go’aankaas qaatay kadib markii uu Ra’iisal Wasaare Geedi qoraal u diray Wakiillada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ku shaqada leh, qoraalkaasi oo uu ku sheegayo in uusan Guddoomiyaha Baarlamaanka wada hadallada u metelin Dowladda Federaalka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ahaa hoggaamiyaha Wafdigii Dowladda ee Khartoum kulanka kula soo qaatay Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna go’aankiisa ka bixitaanka wada hadallada uu ku soo beegmayaa iyadoo 30-ka bishan ay Dowladda iyo Maxkamadaha u ballansanaayeen kulan kale oo  lagu sii amba qaadayo heshiisyo aan waxba laga dhaqangelin oo ay labada dhinac isla gaaray labo jeer oo hore oo Khartoum la isugu geeyay.

 

Go’aankan uu qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu banaanka soo dhigayaa khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, wuxuuna khilaafsan si cad u soo baxay kadib markii Guddoomiye Shariif Xasan la sheegay in uu si qarsoodi ah u magacaabay labo ergay oo Dowladda Federaalka u meteleysa wada hadallo aysan Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka ka warqabin, kuwaasi oo Dowladda iyo Maxkamadaha ku dhexmaray Magaalada Nairobi.

 

Wararku waxay sheegayaan in uu Guddoomiye Shariif Xasan la xaajoodka Maxkamadaha Islaamiga ah u magacaabay Xildhibaan C/ramaan Ibbi iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo wada hadalladii ay xubno ka tirsan maxkamadaha la lahaayeen ay dorraad ku soo dhamaadeen Magaalada Nairobi.

 

Xukuumadda Soomaaliya ee Prof. Cali Maxamed Geedi hoggaamiyo ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in aaney jirin cid u meteleysa wada hadallada Maxkamadaha Islaamiga kadib heshiiskii Khartoum, iyadoo wada hadallada ka furmay Nairobi ay ahaayeen kuwo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta oo dowladda Federaalka ay si aad ah u dhaliishay Wakiilkeeda Arrimaha Soomaaliya Samiir Xusni.

 

Sidoo  kalena, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la xaqiijiyay in uu u yeeray Guddoomiye Baarlamaanka, isagoo ka codsaday in uu si deg deg ah ugu soo laabto magaalada Baydhabo, haseyeeshee wararka ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ay sheegayaan in Shariif Xasan aaney xiligan qorshaha ugu jirin in uu dib ugu laabto Magaalada Baydhabo, taasoo loo sababeynayo khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa magaalada Dubai wuxuu dhawaan kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, inkastoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale wararku sheegayaan in ay Shariif Xasan u qorsheysan tahay in uu isna kulan la qaato Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo haatan Sacuudiga ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).