14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Suxufiyiin Soomaaliyeen oo lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Ilaa 20 Suxufi oo ka kala tagtay deegaano kala duwan oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya iyo deegaanka Puntland ayaa la soo weriyay in ay maamulka Somaliland ku xanibeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

 

Suxufiyiintan ayaa halkaasi uga qeybgeli lahaa tababar ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo WHO, iyadoo la xaqiijiyay in xalay Suxufiyiintaas uu gabalka ugu dhacay Hool ku yaala garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay socdeen dadaal lagu doonayay sidii Suxufiyiintaas looga saari lahaa gudaha garoonka, isla markaana loogu ogolaan lahaa in tababarka loogu talagalay loogu qabto Magaalada Hargeysa.

 

Sababta loo xanibay wariyayaasha oo ka tegay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aysan wadanin wax dal ku gal ah, waxaana halkaasi geysay diyaarado u kireysnaa Qaramada Midoobay u kireysnaa bacdamaa ay ka qeybgalayeen Seminaar ay soo qaban qaabiyeen Haya’daha WHO iyo UNICEF.

 

Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay bilaabeen in ay si weyn isaga eegaan diyaaradaha garoomadooda ku dega ee ka taga Koofurta Soomaaliya, waxayna feejignaantaas bilaabeen labada maamul kadib markii ay maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Maamulka Puntland ayaa dhawaan wuxuu joojiyay duulimaad ay Diyaaradda Daallo Airlines oo ka duuleysay garoonka Muqdisho ay ku tegi lahayd deegaanada Puntland, inkastoo haatan la sheegayo in Shirkadda Daallo iyo Maamulka Puntland ay is-afgarad ka gaareen arrimaha duulimaayada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).