Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Wasiirka Arrimaha Dhalinyarada ee dalka Kenya Maxamed Kuti ayaa u sheegay Jariidada Standard in Qaxooti badan iyo hubka yar yar uu
Wasiirka waxaa uu sheegay in nabadgelyo darro aan horay loo sheegin ay ka dilaaci doonto dalka Kenya, haddii buu yiri aaney Ururada caalamiga ah wax ka qaban sidii loo maareyn lahaa Qaxootiga faraha badan ee ku soo qulqulaya dalka Kenya, isagoo xusay in ay ku jiraan kuwo badan oo qaba cudurrada faafa.
Wasiirkan ka sokow mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Kenya oo uu ku jiro Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa maalmihii tegay qeylo dhaan weyn ka muujiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku qul qulaya dalkiisa, iyagoo ka cararaya cabsida dagaal ee ka jirta qeybo ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo ay deegaanada qaarkood isku hor fadhiyaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa taageera Wasiirka Gaashaandhigga Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo la sheegay in ay gacan saar la leeyihiin cutubyo ka tirsan Ciidamada Dalka Itoobiya oo dhawaanahan soo gaaray Gobollada Bay iyo Bakool, sida ay faafiyeen Wakaaladaha Wararka Caalamka qaarkood iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta, iyadoo la sheegayo in hayaanka Qaxootiga uu sii kordhay markii ay mas’uuliyiinta Maxkamadaha ku dhawaaqeen Jihaad lala galo Itoobiya.
Dhanka kalena, Dagaal socday waqti kooban ayaa la sheegay in uu Deegaanka Beer Xaani ku dhexmareen maleeshiyooyinka Wasiirka gaashaandhigga iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Magaalada Kismaayo, sida ay wakaaladda Wararka AP u sheegeen dad goob joogayaal ah.
Dagaalkan ayaa la sheegay in dib loogu riixay Ciidamada Col. Barre Hiiraale, kuwaasi oo dhawaanahan tabaabusho adag ugu jiray sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo.
Sidoo kalena dagaal ayaa la sheegay in uu labadaasi ciidan ku dhexmaray degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan goobo ay isku uruursanayeen ciidamada Col. Barre Hiiraale.
Dhinaca kalena ciidamo aad u xoog badan Maxkamdaha Islaamiga ayaa Jimcihii ka amba baxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda deegaano aan la carabaabin oo ka tirsan Jubbooyinka, inkastoo warar aynu ka helnay ilo kalsoon yahay ay sheegayaan in ay ciidamadaas qeyb ka noqonayaan kuwa Maxkamadaha ee la doonayo in ay halkaasi ka difaacaan Ciidamadii uu watay Col. Barre Hiiraale iyo kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Bay ee u hanqal taagaya in ay mar kale dib u soo ceshadaan Degmada Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia