
Arbaco, October 11, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo markii ugu horeysay si faah faahsan uga hadlay Qaraxii 18-kii bishii hore loogu geystay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri doonaya in ay xukunka dalka kula wareegaan weeraro.
Madaxweyne Yuusuf oo u waramayay Taleefashinka Madaxa Banaan ee Nation Television (NTV) ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in ku talagalka qaraxa lala beegsaday uu ahaa mid la doonayay in isaga lagu dilo.
“Wax yar ayaan ka soo fogaanay Xarunta ADC-da ee uu Baarlamaanku ku shiro markii qarax lama filaan ah oo aad u xooggan uu na qabsaday, waxaana halkaas ku dhintay dhowr qofood oo uu walaalkey ku jiray”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in aqoonta uu u leeyahay dhinaca Mileteriga ay u caddeyneyso in qaraxaasi uu ahaa mid qorsheysan ay ka dambeeyeen argagixiso caalami ah.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in intii uu ka baxsanayay waxyeelada qaraxa lala beegsaday uu qoorta dhinaceeda dambe ka gubtay, sidoo kalena ay wejiga ka galeen firirka muraayadaha gaarigii uu saarnaa oo gebi ahaantiis gubtay.
Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in markii Qaraxa uu ku dhacay kadib ay gaariga uu saarnaa hortiisa ka soo baxeen rag uu sheegay in ay qaraxa kadib rasaaseeyeen, kuwaasi oo ku labisnaa Labis la mid ah mid ay ilaaladiisa wateen, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay weerarka ceynkaas oo kale ah ay fulin karaan Argagixiso Caalami ah.
Ilaa seddex qofood ayay qaraxaasi kadib ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed xabsiga dhigeen kadib markii looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen amaba ay wax ka ogaayeen qaraxa la doonayay in lagu dilo Madaxweynaha. Madaxweyne waxay u ahayd markii ugu horeysay oo naftiisa ay halis gasho tan iyo markii bishii Oktoobar 2004 loo doortay Madaxweynenimada Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia