13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qaramada Midoobay oo ka codsatay maamul goboleedka Puntland in uu hakiyo Qaxooti Itoobiyaan u badan oo uu ka masaafurinayo Deegaanada uu ka taliyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 11, 2006(HOL):Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo magaceeda loogu yeero UNHCR ayaa ka codsatay maamul Goboleedka Puntland in uu hakiyo dib u celin uu ku sameynayo dad Soo-galow ah oo dhinaca Itoobiya uga yimid, waxayna Hay’adda sheegtay in ay dooneyso in dadka la celinayo laga hubiyo in ay ku jiraan kuwo deegaanada Puntland u soo gelay qaab magangalyo doon ah.

 

Maamul Goboleedka Puntland ayaa todobaadkii hore wuxuu Deegaanka Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ku yaala ee Gallaadi ku daadiyay sida Hay’adda UNHCR sheegeyso Dad Qaxooti ah oo tiradoodu gaareyso 1,300, kuwaasi oo Boosaaso u tegay in ay uga sii gudbaan dalka Yemen si tahriib ah.

 

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Puntland C/Casiis Saciid Gacameey ayaa sheegay in Dadka ay dib u celiyeen ay ahaayeen kuwo doonayay in ay u Tahriibaan Dalka Yemen, wuxuuna caddeeyay in maamulkooda uu arrintaas go’aan mamnuucaya ka soo saaray 25-kii September ee aynu ka soo gudubnay kadib markii ay Dad badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay ku dhamaadeen Badda u Dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya.

 

Sida uu Taliye ku xigeenka sheegayo Dadka Tahriibaya waxaa laga qaadaa lacag dhan 50$, taasi oo ay ka qaataan Kooxo dadka Tahriibiya oo Doomo leh, wuxuuna caddeeyay in Dadka Tahriibaya marka lacagta laga qaato kadib si qarsoodi ah loo geeyo Xaafado uu ku kala sheegay Marer iyo Qaw oo Koofurta iyo Galbeedka Boosaaso ku yaala, halkaasi oo Tahriibiyaasha laga sii daabulo.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaan in Koox kale oo dib loo celinayo, isla markaana ay tiradoodu gaareyso 500 oo ruux haatan lagu hayo Masjid ku yaala Duleedka Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la qorsheynayo in dib loogu celiyo deegaanadii ay ka yimaadeen. Laakin Hay’adda UNHCR ayaa waxay ku doodeysaa in marka hore la xaqiijiyo dadkaas waxa ay u yimaadeen Deegaanada Puntland ka hor inta aan dib loo celin.

 

Go’aanka uu maamul goboleedka Puntlnad tallaabada uga qaadayo dadka Tahriib-doonka ah ee soo buux dhaafiyay deegaanada Puntland ayaa wuxuu soo af-jarayaa rajo ay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ka qabeen in ay Boosaaso uga sii tahriibaan Dalka Yemen, sidoo kalena waxaa meesha ka bixi doono haddii uu go’aankan dhaqangalo maqalka warkii ku saabsanaa in ay Soomaali badan oo Tahriibayaal ah ay ku dhamaadeen Gacanka Cadmeed, kuwaasi oo doonayay in ay Yemen gaaraan kadibna ay uga sii gudbaan Wadamo ku yaala Bariga Dhexe oo uu Sacuudiga ugu soo horeeyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).