13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka taagan Deegaanka Kala Beyr, gaar ahaan dhinaca xadka Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 11, 2006(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafay oo idil dareenka Dadka Gobolku waxaa uu ahaa mid ku wajahan dhinaca Degaanka Kala-Beyr  gaar ahaan Deegaamada ku dhaw dhaw Xadka gobolku uu la wadaago Dowladda Itoobiya.

 

Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee ku sugan Deegaanada cabsidu ka jirto ayaa saraakiisha hor kaceysa waxa ay HOL u sheegeen in ciidamo kuwii ugu xoogga badnaa inta la xasuusto ay soo dhigtay Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo  ay  taageerayaan Ciidamo Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo waliba kuwo daacad u ah Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

 

Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay intaas ku darayaan in ciidamada Dowladda Itoobiya mar marka qaar ay Hub ku soo ridaan Dhinaca ciidamada Maxkamadda iyagoo arintaas ku macneynaya in ay sameynayaan Dabrid Ciidan. Waxaa uu warku intaas ku darayaa n arintaasi ay keeni karto isku dhac dhaxmara labada dhinac.

 

Xuseen Maxamuud Maxamed (Gaa-gaale) oo ah Taliyaha Ciidamada ku sugan dhinaca xuduuda oo ay HOL wax ka weydiisay waxa ka taagan Xadka ayaa sheegay in uu jiro Dhaq-dhaqaaq ay wadaan wax uu ku tilmaamay Cadawga Soomaaliya  oo ay taageerayaan ayuu yiri  dad soomaali ah, waxaana uu intaas ku daray in mar walba ciidamada Maxkamadu u taagan yihiin in ay iska dafaacaan weerar sida uu sheegay la fili karo in uu kaga yimaado dhinaca Itoobiya.

 

Dhaq-dhaqaaqan ciidan oo ah mid sibweyn looga dareemayo Gudaha magaalada Beledweyne ayaa la oran karaa waa mid sameyn buuxda ku yeesha dareenka dadka ku dhaqan Gobolka oo u arka waxa ka taagan dhinaca Kala-beyr arrin u eg”Nin walboow madaxaaga Meyrax ku duubo” maadaama aan la ogeyn waxa ka iman kara  labada ciidan ee is hor fadhiya,

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda iminka ka taagan Deegaanka Kala-Beyr  ayaa waxaa ay tahay mid si weyn isha loogu wada hayo, ayna ka imaan karaan xaalado murugsan oo saameyn ku yeesha gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).