Talaado, October 10, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu shalay halkaasi gaaray Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka soo kicitimay Magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Guddoomiye Shariif Xasan ayaa markii uu Nairobi tegayay wuxuu ka yimid Magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulan kula soo qaatay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ay ka wada hadleen sida loo dar dargelin karo wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Warar aynu ka helnay Xildhibaano ku dhow dhow Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegaya in Shariif Xasan markii uu gaaray Nairobi uu xiriir la sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la sheegay in uu ka codsaday in uu si deg deg ah Baydhabo ugu laabto, hayeeshee waxay wararku intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu codsigaas fulintiisa dib u dhigtay marka horena uu tegayo dalka Boqortooyada Sacuudiga halkaasi oo ay ku ballansan yihiin Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Sacuudiga gaaray.
Dadaallada la isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ee uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo uu kaligiis u darbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Wafdi ka socday Maxkamadaha Islaamka Khartoum kula soo kulmay waayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi weli ma aysan dhexmarin mas’uuliyiinta Maxaakiimta marka laga reebo in ay labada dhinac Qalabka Warbaahinta iska eedeeyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia