13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo lagu wareejiyay gacanta Maxkamadda Islaamiga ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 10, 2006(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta maxkamada islaamiga Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Garoonka diyaaradaha oo lagu qabtay gudaha garoonka ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay gacanta maxkamada islaamiga Gobalka maamulka garoonka diyaaradaha oo in ka badan 13 sano ay gacanta ku hayaan maleeshiyo beeleed.

Munaasabada oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Madaxii hore ee garoonka diyaaradaha  Yuusuf Axmed Xalane (Barga-herti) oo ka soo sheekeeyay marxaladiihii uu soo maray garoonka iyo waliba xaalada hadda uu  ku sugan yahay, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in waxii hadda ka danbeeya mas’uuliyadda garoonka uu ku wareejiyay Maxkamada islaamiga.

Sidoo kale waxaa munaasabada wareejinta garoonka ka hadlay  ku simaha Gudoomiyaha Maxkamada Shiikh Nuur Dabeyl Ibraahim oo si weyn u soo dhaweeyay xil wareejita ay sameeyeen mas’uulyiintii Garoonka waxaana uu sheegay in garoonka ay dhinacooda u maamuli doonaan si ka waangasan sidii u hayeen maamulkii ka horeeyay,

Shiikh Nuur Dabeyl waxaa kaloo uu sheegay in ciidankii horeay u sii joogay garoonka ay la shqeyn doonaan Maxkamada islaamiga, waxaana uu intaas ku daray in arintu aysan ahayn mid gebi ahaan ciidankaasi ay meesha ka baxeen,

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ah dhinacyadii ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo wada hadalka arinta  lagu dhameeyay, waxaana uu kula dar daaramay labada dhinacba in mar walba lagu dadaalo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada B/weyn oo dhinaca W/Bari kaga beegan 7km ayaa waxaa la dhisay sanadii 1993  xiligii ay dalka ka howl-galayeen Ciidamadii UNOSOM, laakiin waxaa dib u habeyn lagu sameeyay  sanadkii 1997 xiligaasoo garoonka uu balaariyay Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, taasoo keentay in Garoonku uu qaato Magaca (Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).