Talaado, October 10, 2006(HOL): 10-kii Oktoobar 2004 ayaa Madaxweynenimada Soomaaliya muddo shan sano ah waxaa loo doortay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed kadib shir muddo labo sano ka badan ka socday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu doorashadaas ku helay cod aqlabiyad leh, wuxuuna ka guuleystay musharixiin tiro badan oo isugu jiray Hoggaamiye Kooxeedyo hubeysan iyo kuwo aqoonyahanno ah oo Dalka Soomaaliya dibadda uga maqnaa mudadii burburka, iyadoo ay xusid mudan tahay in doorashadaas ay ahayd mid ay si weyn u eegayeen wakiillo ka socday Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalkii Dhaqaalaha ku bixiyay shirkii ay ka soo baxday Dowladda Federaalka.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu habeenkii la doortay uu jeediyay Khudbad aad loo xusuusto, taasi oo uu ku sheegay hadallo ay farxadi ka keentay iyo kuwo uu ogaal u yiri, “haatan wixii ka horeeyay waxaad ii taqaaneen Nin dagaal, balse Maanta kadib waxaad iigu talageleysaan Nin nabadeed”ayuu yiri Madaxweynaha oo ka codsaday Soomaali meel ay joogtaba in ay isaga kow cafiyaan, kadibna ay iyagu is-cafiyaan.
Habeenkaas Madaxweynaha oo aad u faraxsanaa wuxuu codsaday in ay Beesha Caalamka Dowladdiisa ku taageerto Ciidamo shisheeye oo 20 kun gaaraya, kuwaasi oo hub ka dhigis ka sameeya dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin sida uu yiri Maleeshiyooyin uu ku qiyaasay 55 kun oo ruux, sidoo kalena madaxweynaha habeenkaas wuxuu ballanqaaday in uu mudada la doortay si adag u shaqeyn doono, isla markaana uu la shaqeyn doono Dadka Habeenkii iyo Maalintiiba shaqeeya, “Dadka qaar baa habeenkii shaqeeya, kuwana maalintii ayay shaqeeyaan, anigu labadaba waan la shaqeyn doonaan”ayuuna yiri Madaxweyne Yuusuf.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa u dhamaatay muddo labo sano ah, iyadoo Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay aysan wax la taaban karo qabanin, marka laga reebo in ay 9 bilood Muqdisho iyo Jowhar kala deganeyd, 9 Bilood oo kalena ay haatan ku sugan tahay Magaalada Baydhabo, iyadoo weli la dareemi karo in ay xubnaheeda is-ogol diidayaan.
18-kii bishii hore ee September ayuu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Baydhabo uga badbaaday Qarax la rabay in lagu dilo, waxaana qaraxaas ku dhintay 11 ruux oo uu ku jiray Madaxweynaha walaalkiis, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 19 ruux oo kale. Madaxweynaha wuxuu sheegay in ay qaraxyadaas ka dambeeyeen Argagixiso ku xiran Al-Qaacidda, wuxuuna caddeeyay in uu Alle badbaadiyay, sidoo kalena ammaan mudan yihiin ragga u qaabilsan dhinaca ammaanka oo iyagu gaadiidka u kala bedbedela marka uu socdaallada gelayo. Dabcan taasi waxay muujineysaa in uu madaxweynaha Qaraxaas ku xijaaban lahaa haddii uu Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka ku shiro uu ka soo raaci lahaa gaarigii markii hore geeyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay haatan u harsan tahay muddo 3 sano ah ayaa haatan waxaa ku horgudban caqabad kale oo uga imaaneysa Dhinaca Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta dhul weyn oo Koofurta Soomaaliya ka tirsan, waxayna caqabadaasi timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed dalbatay Ciidamo Shisheeye oo garab-gala, halka Maxkamadahana ay keenista ciidamada si weyn uga soo horjeedaan.
17-kii Maarso sanadkii 2005 ayaa la xusuustaa in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu si weyn ugu kala qeybsamay keenista Ciidamada Shisheeye, waxaana maalintaas ka dhacday Hotelka Grand Regency dhacdo la yaab leh oo ahayd in ay Xildhibaanadii Baarlamaanka ay Bakoorado iyo Kuraas isla dhacaan, isla markaana ay dhiig iska daadiyaan, hayeeshee haatan waxaad mooddaa in ay soo yaraanayaan Xildhibaanada diidan in Ciidamo Shisheeye oo garab gala Dowladda Federaalka la keeno Dalka Soomaaliya.
Docda kale marka eegno howshii laga sugayay in ay qabato Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa la wareegay Maxkamadaha Islaamka oo qabsaday gacan ku heynta Gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo ay weliba xusid mudan tahay in haatan ay dhiillo colaadeed ka dhex aloosan tahay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, waxayna xiisadda labada dhinac ka dhex taagan cirka isku shareertay shalay kadib markii ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo garabsanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay yimaadeen Magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay, halkaasi oo ay horay ugu sii sugnaayeen Maleeshiyooyin Deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee Baydhabo fadhigeedu yahay waa Dowladda kaliya ee haatan heysata aqoonsiga Dowladnimo, inkastoo ay la dhaqaaqi la’ dahay tabar darro heysata oo u badan mid dhexdeeda ka timid bacdamaa Xubnaha Dowladda lagu soo xulay Qaab Qabiileed salka ku haya nidaamka loo bixiyay 4.5, kuwaasi oo badankood bishiiba Baydhabo ku qaata 1,800 oo Doollar, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhaqaalahaas uu ka yimaado UN-ka oo Dowladda Federaalka u aqoonsan Dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya ka jirta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia