16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Col. Barre Hiiraale oo la sheegay in Baydhabo looga diyaarinayo Gurigii uu degi lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 01, 2006(HOL): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo haatan ku sugan Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo sheegayaan in halkaasi looga diyaarinayo hoy uu ku soo dego Wasiirka, sida ay HOL u sheegeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

 

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ay ka codsadeen Wasiirka in uu si dhaqsi ah u yimaado Magaalada Baydhabo, walow ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu Magaalada Baardheere uu ka abaabulayo ciidamo uu ku doonayo in uu dib ugu weeraro Magaalada Kismaayo.

 

Col. Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato ayaa horaantii todobaadkii hore waxay isaga baxeen magaalada Kismaayo oo ay muddo dheer ku sugnaayeen, waxaynta taasi dhacday markii ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Kismaayo, iyadoo aakhirkiina ay magaaladaas u gacan gashay Maxkamadaha Isalaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).