Axad, October 01, 2006(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda isku magacawday Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in uu wadaadada Maxaakiimta Islaamiga uga digayo in ay sida cadaw ula dhaqmi doonaan haddii ay isku dayaan in ay deganaan la’aan ka dhex abuuraan deegaanada Somaliland.
Daahir Riyaale oo u waramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa sidoo kale sheegay in shareecada Islaamka waqti dheer looga dhaqmayay Soomaaliya, balse ay haatan wadaan wax uu ugu yeeray wadaado mintidiin xag-jirayaal ah.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland soo hadal qaaday in ay la midoobayaan Soomaaliya iyo in kale, “Ma dooneyno in aan dib ula midowno Soomaaliya, waayo 30 sano oo aan la mideysneyn ayaa waxay noo ahayd masiibo”ayuu yiri Daahir Riyaale oo intaas ku daray hadalkisa in ay wada hadallo caadi ah la yeelan karaan Soomaaliya marka ay Dowladda ka jirta noqoto mid cagaheeda ku taagan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia