16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Wasiirrada oo ka shiraya hadalka ka soo yeeray Wakiilka Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 01, 2006(HOL): Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Baydhabo, iyadoo looga wada hadli doono kulankaas mowqifka Jaamacadda Carabta  ee Arrimaha Soomaaliya, taasoo u muuqata mid ay si weyn u dhaliilsan tahay Dowladda Federaalka.

 

Inj. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa  u sheegay Wargeyska Sanca Press ee Muqdisho ka soo baxa in uu filayo in kulankaas ay ka soo saari doonaan  go’aan ku wajahan mowqifka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan hadalkii uu Danjire Samiir Xusni dhawaantan ku sheegay in wixii ka dhacay Kismaayo uu u arko wax aan wax u dhimi karin wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkmadaha Islaamka, isla markaana uu ahaa af-gembi iskiis uga dhacay halkaas.

 

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta ee uu hoggaaminayo Samiir Xusni ayaa la filayaa in ay horaanta todobaadkan socdaal ku yimaadaan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka deriska ah, waxayna wararku intaas ku darayaan in laga yaabo in golaha Wasiirrada ay gebi ahaanba qaadacaan kaalinta ay Jaamacadda Carabta ku leedahay dhexdhexaadintii ay ka dhex wadeen iyaga iyo maxkamadaha Islaamiga, haddii aaney cudur daar cad ka bixin hadalka uu jeediyay Samiir Xusni.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).