13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Magaalada Baydhabo oo weli uu ka xayiran yahay ganacsigii Muqdisho kala dhaxeeyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 09, 2006(HOL): Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa weli waxaa ka xayiran oo aanan sidii hore u gaaareynin ganacsigii kala dhaxeeyay Magaalada Muqdisho, waxaana taasi ugu wacan iyadoo Maxkamadaha Islaamka ay joojiyeen badeecooyinkii magaaladaas loo qaadi jiray oo si gaar ah looga bar tilmaameedsaday Shidaalka.

Tan iyo markii ay maxkamadaha Islaamka cunaqabateyntaas ku soo rogeen Magaalada Baydhabo waxaa laga joogaa 45 cisho oo aan magaaladaas loo qaadin wax shidaal ah. Magaalada Baydhabo shidaalka waa ka qaaliyoobay, waxaana 20-kii Liitar la kala siistaa 250,000 Sh. So. Halka Magaalada Muqdisho ay 20-kii Liitar ka joogto 170.000 Sh. So, sida uu ku waramayo Maxamed Isaaq Nuur oo ka mid ah Darawaliinta kaxeysa Gaadiidka isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Talaadadii aynu ka soo gudubnay Kulan la qaatay Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa ka codsaday in cunaqabateynta laga qaado dadka Baydhabo, isla markaana la furo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sidoo kalena codsaday in la kala qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maxkamadaha ee is-horfadhiya.

Maxkamadaha Islaamka ayaa horay u sheegay in ay joojiyeen badeecooyinkii Muqdisho looga qaadi jiray Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Shidaalka oo ay sheegeen in ay isticmaalaan Gaadiid ay wataan Ciidamo Itoobiyaan ah oo Baydhabo jooga, inkastoo aan taasi weli xaqiiqo rasmi ah loo heynin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).