Arbaco, November 08, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee deegaankaas ku sugan ay xoog ku soo furteen Markab ay kooxo Burcad Badeed ah ku heysteen Xeebaha Xaradheere.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Fishan iyo shaqaalihii saarnaa oo dhowr iyo toban ruux gaaraya ayaa waxaa uu ku sugan yahay xeebaha Xaradheere, iyadoo aaney cidna wax ku noqon howlgalkii markabka lagu soo furanayay
Saciid Xasan Faarax oo ka mid ganacsatadii uu Markabka u rarnaa ayaa xaqiijiyay in Markabkaas ay soo furteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, isagoo caddeeyay in ay taasi ku ogaadeen in Kabtanka Markabka uu la hadlay Mas’uuliyiinta Shirkadda Markabka iska leh oo ku sugan Dubai.
Waa Howlgalkii ugu horeeyay ee ay Ciidamada Maxkamadaha ka fuliyaan Badda, waxayna howlgalkan sameeyeen kadib markii ay la xiriireen ganacsatadii uu u rarnaa Markabka, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii aaney ciidamada Maxkamaduhu howlgalka sameynin ay Kooxda Markabka qabsatay ay weydiisteen ganacsatada lacag dhan 150 kun oo Doollar, si loo sii daayo Shaqaalaha kaliya.
Markabka oo Dekedda weyn ee Muqdisho ku dejiyay Badeeco uu u siday Ganacsatado Soomaaliyeed ayaa markii la qafaalanayay waxaa ku rarneyd Dhuxul uu ka qaaday Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, iyadoo laga qabsaday meel dhowr iyo afartan Mile u jirta Dekedda Ceel Macaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia