Talaado, November 07, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxkamahada Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa u sheegay wariyayaal ka socday TV-ga Channel 4 oo Muqdisho yimid in ciidamo Itoobiyaan ah ay maalin kasta xoog ku soo galaan deegaano ka tirsan Dhulka Soomaaliya, isla markaana la arki karo haddii la tago Baydhabo iyo Buur-Hakaba.
Prof. Caddow waxaa uu sheegay in deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ay dadka ku qasbaan in ay xoog ku quudiyaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in taasi ay iska caddahay oo la arki karo.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, mar uu ka hadlayay in ay shir isugu imaan karaan mar kale Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay diiday in ay shirka ku laabato 15-ka December, halka uu caddeeyay in ay Maxkamadaha diyaar u yihiin in ay wada hadallada ka qeybgalaan, isla markaana ay doonayaan in nabad iyo deganaan la helo.
Wuxuu beeniyay Prof. Caddow in ay ciidamo Etereteriyaan ah ay la joogaan maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in aysan joogin Ciidamo Ereteriyaan ah, Maxkamaduhuna aysan u baahneyn, “adiguba Soomaaliya waad joogtaa haddii aad aragtay Ciidamo Ereteriyaan ah”ayuuna ku yiri wariyihii weydiiyay in ay Ciidamo Ereteriyaan ah la joogaan.
Sidoo kalena Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa uu beeniyay war dhawaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Kenya, kaasi oo sheegayay in maxkamadaha Islaamka ay qorsheynayaan weeraro is-miidaamin ah oo lagu qaado goobo caan ah oo ku yaala dalalka Kenya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay Professor Caddow in warkaasi ay faafisay Dowladda Itoobiya oo sida uu yiri dooneysa in ay dhaqaale ku hesho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia