13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Shirkaddii Barakaat oo markii xayiraadda lagu soo rogay ay 5 sano ka soo wareegatay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 07, 2006(HOL): 6 sanadood ayaa ka soo wareegatay markii uu Ameerikaanka xayiraadda ku soo rogay shirkaddii Isgaarsiinta iyo Xawilaadda Barakaat, taasi oo ay dad badan oo Soomaaliyeed lacag u tiilay qeybteeda Bangiga.

Xaflad lagu soo xusuusanayo go’aankii uu Ameerikaanka ku xayiray shirkadda Barakaat maanta oo kale sanadkii 2001 ayaa waxaa saakay lagu qabtay xarunta Shirkaddaas ay ku lahayd Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen xafladdaas mas’uuliyiintii Shirkadda iyo qaar ka mid ah dadkii macaamiisha la ahaa ee dhaqaalaha looga xayiray.

Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Shirkaddaas ayaa ka hadlay xafladda, wuxuuna sheegay in ay nasiib darro tahay in muddo 6 sanadood ah la iska heysto dhaqaale ay dad masaakiin ah lahaayeen, iyadoo weliba shirkadda markii la baaray lagu waayay waxyaabihii looga shakiyay ee ahaa in ay xiriir la leedahay argagixisada, wuxuuna Axmed Nuur ku tilmaamay iska heysashada hantida Shirkadda mid meel ka dhac ku ah Xuquuqul Insaanka.

Axmed Nuur Cali Jimcaale waxaa uu sheegay in ay la soo xiriiraan dadkii ay shirkadda hantida uga xayirantay, wuxuuna tilmaamay in dadkaas oo qaarkood xaalad faqri ah ku nool ay ogyihiin in dhaqaalahoodii uu Ameerikaanka heysto, sidaasi darteedna wuxuu ka codsaday Mareykanka in uu xayiraadda ka qaado shirkadda Barakaat, bacdamaa lagu waayay waxyaabihii lagu tuhmay.

Mas’uuliyiintii Shirkadda u joogay Dalal ku yaala Qaaradaha Ameerika iyo Yurub ayaa laga saaray Liiska Argagixisada, waxayna ku suurtagashay taas kadib markii ay u doodeen dalalka ay Jinsiyadaha ka heystaan, wuxuuna Axmed Galool oo ka mid ah mas’uuliyiinta Shirkadda u fadhin jiray dalka Sweden uu nasiib darro ku tilmaamay in aan weli xayiraaddii laga qaadin xubnaha Shirkadda ee jooga Dubai iyo Muqdisho sabab la xiriirta in aaney lahayn cid u doodeysa.

Shirkadda Barakaat oo lagu xayiray lacag dhan 8.5 Milyan Doollar oo dad Soomaaliyeed ay lahaayeen ayaa intii ay shaqeyneysay waxaa ay dadka Soomaaliyeed u heysay adeegyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Isgaarsiin dhinaca Taleefoonka ah, Xawilaad iyo adeeg kale oo ahaa Dhigaalka lacagta (Banking Service), waxaana xusid mudan in dad badan oo shalay lacag lahaa ay maanta dhaqaale la’aan heyso kadib markii kistii ay heysteen looga xayiray Bangiga Barakaat.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).