Isniin, November 06, 2006(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Gaashaandhigga ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu ciidamo weerar ah u soo diray Ciidamo Maxkamadaha Islaamka u jooga nawaaxiga Gelinsoor, inkastoo uu sheegay in aysan weerarkaas ka dhalan wax khasaare ah.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada labada dhinac ay isu muuqdaan, balse ay ku amreen sida uu yiri Ciidamada Maxkamadaha Islaamka in aysan wax rasaas ah ku ridin. Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland uu doonayo in marka ay isku dhacaan ciidamada Maxkamadaha ay kula dhex ordaan Gaalkacyo kadibna ay yiraahdaan Qabiil ayaa na soo weeraraya ee iska celiya.
“Qorshaheena ku aadan Puntland waa in aan dadka ka dhaadhicino in aan nahay dad Islaam ah oo diin raba, dad wax dhacaya oo qabiil u socdana aanan ahayn, iyaguna ay dhexdooda is-bedel ka sameeyaan”ayuu yiri Indha Cadde oo carrabka ku dhuftay in maamulka Puntland uu qalad ka fahamsiinayo Maxkamadaha Islaamka dadka deegaanadaas ku dhaqan.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ay taageersan yihiin Maxkamad Islaami ah oo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacayo, wuxuuna caddeeyay in ay maxkamaddaas bilow u tahay maxkamado Islaami ah oo deegaanada Puntland looga dhawaaqi doono, isagoo dadka reer Puntland-na ku tilmaamay kuwo nabadda jecel, wuxuuna boqorrada iyo Salaaddiinta Reer Puntland kula taliyay in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu wado Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, kaasi oo ku saabsan waxa ka jira wararka sheegaya in ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata maxkamadaha Islaamka oo ku sugan Deegaanka Gelinsoor iyo nawaaxigiisa,walow uu Madaxweyne Cadde Muuse uu dhawaan sheegay in Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri Shaar Qabiil huwan ay doonayaan in ay weerar ku soo qaadaan deegaanada Puntland, isagoo dadka reer Puntland-na ugu baaqay in ay is-difaacaan.
Ugu dambeyntiina, magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana dhinaca uu ka taliyo Maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ay sameysatay Beel ka mid ah Beelihii wax ka dhistay maamulka Puntland, iyadoo mas’uuliyiinta Maxkamaddaasna ay sheegeen in ay doonayaan in ay isku xukumaan Shareecada Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia