13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo u qalab qaatay in ay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 04, 2006(HOL): Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa loo diray halka ay isku horfadhiyaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Itoobiya, si ay uga qeybqaataan haddii dagaal ka dhex bilowdo Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Itoobiyaanka.

Ciidamadan loo diray furumaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Itoobiyaanka oo dhan hal guuto ayaa waxay isugu jiraa kuwo ka qeybqaatay dagaalkii horay u dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-kii, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo aan weli dagaal ka qeybqaadan.

G/lle Sare Axmed Xasan oo ka mid ah saraakiisha Ciidamadaas ayaa sheegay in qeybta ugu horeyso ee ciidamadooda oo hal guuto ah ay u dhaqaaqeen jihooyin ay filayaan inay ciidamada Itoobiyaanka ka soo weeraraan, halka ay guutooyin kalena u diri doonaan meelo kale oo ay filayaan sida uu yiri in uu cadawga xoogga soo saaro.

G/lle Dhexe C/risaaq Xuseen Aboolle oo isna ka mid ah Saraakiisha hoggaanka u ah Ciidamada Mileteriga ee ku biiray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa isna sheegay in ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed horay ugu dhaarteen in ay difaacaan dalka iyo dadka, wuxuuna caddeeyay in haatan ay taagan tahay xaalad uu dalka difaac u baahan yahay.

“Wadanka in aan cadaw soo gelino nalama barin balse waxaa nala baray in aan cadaw ka difaacno, maanta haddii uu cadawgii aan difaaci jirnay uu dalka soo galayna nafteena ayaan u hureynaa, horayna aan ugu huri jirnay” ayuu yiri G/lle Dhexe Aboolle

Ciidamadan ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore waxay ku biireen Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed, waxaana xafladdii ay Maxkamadaha kula biirayeen ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u sheegay ciidamadan waxa looga baahan yahay oo ah in ay ka qeybqaataan difaaca Diinta Dadka iyo Dalka.

Shiikh Shariif waxaa uu u sheegay ciidamadii uu la hadlayay in markii ay la dagaalamayeen hoggaamiyayaashii Muqdisho aysan heysan hub badan oo ay kula dagaalamaan balse ay Allaah ka baryeen in uu ka guuleeyo, taasina ay dhacday, haatana ay Allaah ka barayayaan in uu Itoobiyaan ka guuleeyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).