13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 04, 2006(HOL):Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo xalay magaalada Gaalkacyo kula hadlayay shacabka deegaankaas ayaa sheegay in dadkii ku dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo todobaadkii hore looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ay baxsadeen, isla markaana aysan halkaas dib ugu soo laaban karin.

Madaxweyne Cadde Muuse oo hadalkiisa uu aad u kululaa waxaa uu sheegay in uu xiriir la sameeyay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo odayaasha beesha Maxamed Cumar ee la sheegay in ay maxkamadda ku dhawaaqday, wuxuuna madaxweynuhu caddeeyay in dadka uu la xiriiray oo gudaha iyo dibadda dalka jooga ay u sheegeen in aysan arrimhaasi waxba kala soconin.

Intaas kadib waxaa uu ka hadlay madaxweynaha nooca ay yihiin dagaallo uu sheegay in ay ka socdaan dalka, wuxuuna sheegay in uusan dagaalkaasi ahayn mid mabda’ ku saleysan balse uu yahay mid qabiil, “War yaa Shahaadada la barayaa, yaa beenta loo sheegayaa, haddii aad dadka iska celineysaan iska celiya haddii kale hubkiina hoosta gashada ee la soo baxa markii labo qofood oo idinka mid ah ay is-dilaan.

Waxa lagu diidan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayuu ka hadlay Madaxweyne Cadde Muuse, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay sababtaasi tahay in uu madaxweyne ka yahay nin Daarood ah, wuxuuna ugu dambeyntii dadka reer Puntland oo badankood kala socday qudbadaas Idaacado si toos ah u tebinayay uu ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay isu difaaci lahaayeen.

Haddaba haddii uu madaxweynuhu sheegay in aysan cag soo dhigin magaalada Gaalkacyo dadkii ku dhawaaqay Maxkamadda Islaamiga ah maxay iyaguna ka leeyihiin arrintaas, waxaa ka hadlaya Afhayeenka Maxakamddaas Axmed Muuse oo haatan ku sugan magaalada Cadaado.

“Gudaha Puntlnad ayaan awood ku leenahay, shacabka oo dhan baa na raaacsan, dad uun iska joogo meesha oo baadil ah oo dadku qaati ka taagan yihiin waaye maamulka puntland, kalsooni ay dagaal ku qaadaan ama ay dadku qabsadaan-na ma lahan, showr kale iyo in aan ka noqono Maxkamadda aan ku dhawaaqnay ayay muddo wadeen”ayuu yiri Axmed Muuse oo sheegay in ay Degmada Cadaado u tageen sidii ay xiriir ula sameysan lahaayeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka gobollada Dhexe.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).