14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 30, 2006(HOL) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu halka laga galo Magaaladaas, gaar ahaana Koontaroolka Bakiin uu ka dhacay Qarax aad u xooggan oo ay dad badan ku dhinteen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxaas ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan ilaa iyo haatan la xaqiijin inta ay dhan yihiin. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhashay gaari Mark II ah oo lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo aan la aqoonsan ciddii soo dhigtay meesha uu ku qarxay, inkastoo ay sidoo kale goobta yaaleen gaadiid kale oo iyana gubanayay.

Sababta  keentay in ay bataan dhaawaca iyo dhimashada ka dhashay qaraxaas ayaa lagu sheegay iyadoo meesha ay ahayd meel Koontarool ah, isla markaana ay joogeen dad aad u badan, waxaana xusid mudan in dadka dhintay  iyo kuwa dhaawacmay ay ku jireen dad safar ahaa oo Muqdisho ka tegay, isla markaana doonayay in ay magaalada Baydhabo galaan.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay in ay qaraxaas ka dambeysay, wuxuuse ku soo beegmayaa iyadoo xiisad u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay Baydhabo iyo Maxkamadaha Islaamka ay sare u sii kaceyso sabab la xiriirta in ay Dowladda Federaalka Ciidamo Itoobiyaan ah soo gelisay dalka Soomaaliya.

Waa qaraxii labaad oo Baydhabo ka dhaca tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed fariisinka ka dhigatay, waxaana qaraxan ka horeeyay mid lala beegsaday kolonyo uu la socday madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ay ku dhinteen dad toban ruux ka badan. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay qaraxaasi ku eedeysay maxkamadaha Islaamka oo sida ay tiri adeegsaneysa xubno ka tirsan Argagixisada Caalamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).