16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyay in ay Xukuumadda Itoobiya qaaddo Tallaabo kasta oo ay isaga difaceyso Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 30, 2006(HOL) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta u codeeyay oo ka jawaabay codsi uu u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in Baarlamaanku uu u codeeyo in ay qaaddo Xukuumaddiisa tallaabooyin ay isku difaaceyso, isagoo weliba caddeeyay in ay Xukuumaddiisa soo dhameystirtay diyaargarow ay ugu jirtay weerar ay ku qaaddo Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya.

 

Baarlamaanka oo is buuxda u taageeray go’aanka uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya qaatay ayaa wuxuu Maxkamadaha Islaamka u arkayaa in ay khatar ku yihiin madax bannaanida dalka Itoobiya, waxayna Xukuumadda Meles Zenawi u ogolaadeen in ay ka hortagto Jihaad ka dhan oo ay ku baaqeen Maxkamadaha Islaamka.

 

Dowladda Itoobiya waxay weli ku adkeysaneysaa in aysan ciidamo ka amar qaata joogin dalka Soomaaliya, balse ay u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed tababarayaal Mileteri iyo la-taliyayaal, inkastoo warbixin ay diyaariyeen Guddi UN-ka u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay sheegeen in Itoobiya ay Soomaaliya Ciidamo iyo hub u dirtay.

 

Mas’uuliyiinta Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in uu doonayo in uu xoog ku qabsado dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in jihaad looga hortago Ciidamo uu soo geliyay Soomaaliya oo qaarkood ay rasaas is-weydaarsadeen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo jooga deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).