Khamiis, November 30, 2006(HOL) Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti oo uu mas’uuliyiintiisa ka helay martiqaad rasmi ah.
Wafdigan oo ka koobnaa 7 xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Cumar Iimaan Abuu Bakar iyo Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, waxayna dalka Jabuuti ku tageen martiqaad ay ka heleen dowladda Jabuuti. Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo warfidiyeenada kula hadlay garoonka Diyaaradaha Muqdihso ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro sidii loo dardar gelin lahaa wada hadalladii dib u heshiisiinta ee ay Maxkamadaha Islaamka qeybta ka ahaayee iyo sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qaraarkii xalay ka soo baxay Qaramada Midoobay ee lagu sii adkeeyay cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya saaran, wuxuuna si gaar ah u ammaanay Dalalka Qadar iyo Jabuuti oo muujiyay kaalinkooda ku aadan in aan Soomaaliya laga qaadin Cunaqabateynta Hubka ee saaran, isagoo cambaareeyay dalal badan oo qaadista cunaqabateynta u ololeynayay.
Shiikh Shariif waxaa uu dhanka kale beeniyay warar horay maxkamadaha Islaamka loogu eedeeyay oo ahaa in ay hub ka heleen dalal shisheeye, sidoo kalena ay ka dhinac dagaalameen markii ay Muqdisho isku hayeen qabqablayaashii dagaalka dagaalyahanno shisheeye, wuxuuna caddeeyay in ay hubka ay heystaan uu yahay midkii ay shacbaka Soomaaliyeed horay u heysteen, sidoo kalena aaney wax dagaalyahano ajnabi ah aysan la joogin.
Diyaaraddii Jabuuti u qaaday Wafdiga Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay Muqdisho geysay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu maalmihii tegay ku sugnaa Dalka Jabuuti, halkaasi oo uu u tegay sidii u soo gudan lahaa Tacsida madaxweynihii hore ee Jabuuti Xasan Guuleed Abti-doon iyo weliba sidii loo dardargelin lahaa wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Dowladda Jabuuti oo ka soo horjeeda in ciidamo shisheeye loo diro dalka Soomaaliya, isla markaana la qaado cunaqabateynta Hubka ayaa waxay maxkamadaha Islaamka ku casuuntay in ay dalkeeda Wada-hadallo gogol xaar ah ay u yimaadaan ka hor inta aysan Dalka Jabuuti kulan ku wada yeelan Madax ka socota Urur Goboleedka IGAD iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyagu uu mad-madow uu soo kala dhexgalay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online